Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo ka hadlay weerar ay kala kulmeen Ciidanka Danab

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo ka hadlay weerar ay kala kulmeen Ciidanka Danab

by Laacib

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa Ciidanka Danab ee degan Garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere ee Magaalada Jowhar ku eedeeyay in ay soo weerareen gaadiid ay la socdeen wafdi uu hoggaaminayay oo ku sii jeeday Magaalada Muqdisho.

Rasaas xoogan ayaa gelinkii dambe ee maanta laga maqlay aagga Garoonka Maxamed Dheere, iyadoona dib laga ogaaday in rasaasta halkaasi laga maqlay ay ahayd iska horimaad u dhaxeeyay Ciidanka Kumaandooska Danab iyo ciidamo kale oo ka amar-qaata Madaxtooyada Hirshabelle.

Kolonyada ay la socdeen wafdiga Gudoomiyaha ayaa markii dambe dib ugu laabtay Xarunta Madaxtooyada Hirshabelle, halkaas oo markii horeba ay ka soo ambabaxeen.

Gudoomiyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegay in wafdigiisa oo ka koobnaa Xildhibaano ay howlo shaqo ugu socdeen Caasimadda Muqdisho.

“Ciidankii Madaxtooyada oo na gelbinayay ayaa wuxuu dagaal lama filaan ah oo aanan sugeynin uu nagu qabsaday garoonka intaanan gaarin ka hor. Ciidankii waxay nagu bilaabeen rasaas, waxay na huwiyeen sabano, waxaanan fileynin ayaana meesha naga qabsaday.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Waxaa na loo sheegay in ciidanku ay yihiin Ciidankii Danab ee ilaalada ka ahaa garoonka gudihiisa, garabna nooga ahaa in ay na la weeraraan cadowga Al Shabaab. Galabta waxaan ka xumahay inay noqotay dhacdadaas dhacdo uur ku taalo ah, oo aad noo xumeysay, haddaan nahay Hirshabelle.”

Gudoomiyaha ayaa sheegay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray ciidankii la socday iyo Xildhibaanada qaarkood oo dagaalkaasi sida uu ku sheegay ku dhaawacmay.

“Waxaa jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidankii na gelbinayay, waxaa jira Xildhibaanada qaar oo dhaawac uu soo gaaray. Inta dhimatay waxaan leeyahay Ilaahay (SWT) ha u naxariisto, inta dhaawaca ahna Ilaahay ha bogsiiyo.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay in ay jawaab degdeg ahi ka siiso weerarkaasi ay kala kulmeen Kumaandooska Danab.

“Waxaan ka sugeynaa Dowladda Federaalka jawaab degdeg ah in ay naga siiyo, waxa maanta naga gaaray ciidankaasi hugsan Ciidankeenna Dowladda Federaalka ah ee dharkiisa wata, ee aan ka sugeynay annaga inay garab noo noqdaan, laakiin maanta si lama filaan ah noo huwiyay rasaas iyo dagaal, oo aanan annaga xisaabta noogu jirin.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ee ciidamadu u gaystaan masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc