Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo la kulmay dhiggiisa Sacuudiga

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo la kulmay dhiggiisa Sacuudiga

by Laacib

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo booqasho ku jooga Magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaasi, Abdullah ibn Muhammad Al ash-Sheikh.

Kulanka ayay kaga wada hadleen xiriirka labada Baarlamaan, iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, sida lagu sheegay qoraal xalay ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

“Gudoomiye Aadan Madoobe iyo dhiggiisa dalka Sacuudiga ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Baarlamaan ee Somaliya & Sacuudiga, iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal. Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa kulanka Kuxigeenka Golaha Shuurada iyo Xildhibaano ka tirsan labada Baarlamaan.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in labada Gudoomiye ay isku afgarteen in laga shaqeeyo, lana xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan.

“Waxaana lagu balamay in la dhiso guddi saaxiibtinimo ah oo ka shaqeeya dhaqangelinta arrimahan iyo xiriirka labada Baarlamaan ee Sacuudiga iyo Somaliya.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Ma cadda ujeedada uu Aadan Madoobe u tegay dalkaasi, marka laga soo taggo in booqasho rasmi ah uu ku joogo Caasimadda Riyadh.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc