Home Wararka Maanta Gudoomiyaha cusub Gobolka Hiiraan oo la kulmay Kuxigeenadiisa iyo Saraakiisha Ciidamada

Gudoomiyaha cusub Gobolka Hiiraan oo la kulmay Kuxigeenadiisa iyo Saraakiisha Ciidamada

by Laacib

Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) ayaa maanta Magaalada Beledweyne kula kulmay Gudoomiye Kuxigeenadiisa, qaar ka mid ah Gudoomiyeyaaha Degmooyinka Gobolka Hiiraan, Saraakiisha Booliska, Nabad Sugidda iyo kuwa Xoogga Dalka ee gobolkaasi ka hawlgala.

Kulanka ayaa looga hadlayay xaaladda gobolka iyo sidii looga wada shaqayn lahaa horumarka deegaanada & degmooyinka gobolkaasi, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan.

“Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa warbixino ka dhageystay Xubnaha Maamulka Gobolka Hiiraan, heer gobal & heer degmo iyo Saraakiisha laamaha amniga.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Gudoomiyaha ayaa dhinacyadaasi kula dardaarmay inay ahmiyadda saaraan amniga iyo xasilloonida gobolka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Gudoomiyuhu uu ballanqaaday in maamulkiisu uu la imaan doono siyaasad hufan oo lagu wada shaqeeyo, si gobolka looga hirgeliyo nidaam daahhufan oo dowladeed, isla xisaabtana ku dhisan.

Gudoomiyaha ayaa ugu dambayn Saraakiisha laamaha amniga ugu baaqay in ay kala shaqeeyaan sugidda amniga iyo sidii looga hortagi lahaa cid kasta oo qalqalgelin karta nidaamka dowliga ah.

“Gudoomiyaha ayaa faray laamaha amniga ee Gobolka Hiiraan in ay kala shaqeeyan sugidda amniga iyo sidii looga hortagi lahaa argagixisda iyo wax walba oo qalqalgelin karo hannaanka dowliga ah.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Tani ayaa imaanaysa, xilli Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday waa Cali Jeyte Cismaan uu ka horyimid xil ka qaadistii uu toddobaadkii hore ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Magaalada Beledweyne-na ay soo gaareen ciidamo deegaanka ah oo ku goodiyay inay difaaci doonaan Gudoomiye Jeyte.

Dadka deegaanka oo u muuqdo kuwo la safan Gudoomiye Jeyte ayaa magaalada ka dejiyay Calankii Hirshabelle, kana taagay calan kale oo lagu sheegay inuu yahay midka Maamulka Hiiraan State.

Magaalada ayaa waxa kaloo ku sugan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, sheegayna inay gobolka ka yegleeli doonaan maamul ka madaxbannaan kan Hirshabelle.

 

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc