Home Wararka Maanta Gudoomiyaha cusub Gobolka Hiiraan oo socod ku soo maray laamiga dheer ee Beledweyne (SAWIRRO)

Gudoomiyaha cusub Gobolka Hiiraan oo socod ku soo maray laamiga dheer ee Beledweyne (SAWIRRO)

by Laacib

Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) ayaa maanta socod ku soo maray laamiga dheer ee Magaalada Beledweyne, xilli dadka reer Beledweyne ay u dabaaldegayaan maalinta 1aad ee Ciidda Carafo.

Gudoomiyaha oo socodka ay ku wehliyeen xubno masuuliyiin ah ayaa waxaa dhinacyada ka socday ilaaladiisa gaarka ah.

Gudoomiyaha ayaa la arkayay, isagoo salaamaya, qaarkoodna gacan-qaadaya dadkii dhex socday waddada, isagoona ugu hambalyeeyay maalmaha ciiddaan barakaysan.

Gudoomiyaha ayaa bogaadiyay in dadku ay si nabadgelyo leh ku damaashaadaan ciidda 2aad ee Islaamku uu leeyahay, si ay dareenkooda farxadeed ee ciidda ula wadaagaan xubnaha qoyska, ehelada iyo weliba bulshada inteeda kale.

Tani ayaa imaanaysa, xilli ay Beledweyne ka taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay xil ka qaadista Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, kaas oo si weyn uga horyimid xil ka qaadistii uu toddobaadkii hore ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc