Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Degmada Heliwaa oo dhalleeceeyay war ka soo yeeray Gudoomiye Deeyoo

Gudoomiyaha Degmada Heliwaa oo dhalleeceeyay war ka soo yeeray Gudoomiye Deeyoo

by Laacib

Gudoomiyaha Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, Mire Salaad Dhuxulow ayaa dhalleeceeyay war xalay ka soo yeeray Gudoomiyaha Degmada Boondheere, Maxamed Cabdullaahi Cumar (Maxamed Deeyoo) oo uu ku muujiyay in degmooyinka qaar ee gobolka aysan ka jirin amni la isku haleen karo.

Gudoomiyaha Degmada Boondheere oo is barbardhig ku sameynayay farqiga u dhaxeeya horyaalka dalka iyo tartanka Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir ayaa isagoo ka jawaabaya sababta aysan ciyaartoyda u wada degi karin xaafadaha Magaalada Muqdisho, waxa uu kaga jawaabay in ciyaartoyda aysan amni ahaan aqbali karin in la geeyo degmooyinka ay ka mid yihiin Heliwaa, Dayniile iyo deegaanada Garasbaaley & Gubadley oo ku yaala darafyada caasimadda.

“Uma malaynayo koox amni ahaan yeeleysa in la dejiyo Heliwaa, Gubadley, Garasbaaley iyo Dayniile, waxay leeyihiin annaga ma rabno meeshaas ee gudaha na geeya.” Ayuu yiri Gudoomiye Deeyoo oo ka qaybgalay dood ka baxday Telefishinka Qaranka, loogana hadlayay tartankii Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee lagu soo geba-gabeeyay Muqdisho.

Mire Salaad Dhuxulow, Gudoomiyaha Degmada Heliwaa ayaa warka Gudoomiye Deeyoo ku tilmaamay mid uu ku suurad xumeynayo degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.

“Waxaan aad u cambaaraynaa in Gudoomiye degmo uu si ula kac ah ugu gefo degmooyin Gobolka Banaadir ka tirsan, isigoo suurad xumeynaya, isla-markaana ku tilmaamay degmooyin uusan amni ka jirin, dadka Soomaaliyeed-na aysan degi karin.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Heliwaa.

Waxa kaloo uu yiri “Waxaa wax laga xumaado ah in degmooyin ay Heliwaa ka mid tahay uu tusaale u soo qaato, oo 2-dii sano ee ugu dambeysay wax falal amino darro aysanba ka dhicin.”

Gudoomiyaha ayaa dhiggiisa Degmada Boondheere weydiistay in uu raaligelin iyo garowshiyo ka bixiyo hadalkaasi.

“Waxaan soo jeedinayaa in marin habaabintaas aan xaqiiqda ku saleysneyn raaligelin iyo garowshiyo laga bixiyo, lagana waantoobo sumcad dilkaas iyo hadalada noocaas ah.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Heliwaa oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Degmada Heliwaa oo ku taala waqooyi bari Muqdisho ayaa waxaa muuqata in muddo ahba inuu ka soo reynayay amnigeeda, taas oo loo aaneeyo wada shaqaynta dadka deegaanka iyo hay’adaha ammaanka oo gaartay halkii ugu sarreysay.

Maamulka degmadaasi iyo laamaha amniga oo kaashanaya bulshada halkaasi ku dhaqan ayaa lagu ammaanay in ay wax badan ka qabteen duruufihii amni ee ku gadaamnaa degmadooda.

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa 30-kii bishii July degmadaasi kaga qaybgalay kulan dadweyne, oo lagu xoojinayay wada shaqaynta shacabka iyo ciidamada.

Raysal Wasaaraha oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah siisay ammaanka Magaalada Muqdisho, taasina ay tusaale u tahay in Degmada Heliwaa lagu qabto kulan dadweyne oo lagu wacyigelinayo bulshada iyo wada shaqayntooda, xilli buu yiri sanado ka hor aysan suurtagal ahayn.

Raysal Wasaare Barre ayaa xilligaasi dadka reer Heliwaa uga mahadceliyay wada shaqaynta iyo u dhego nuglaantooda ku aaddan awaamiirta laamaha amniga.

Barre ayaa degmooyinka kalena ugu baaqay inay xoojiyaan wada shaqaynta ay la leeyihiin hay’adaha ammaanka, si magaalada looga ciribtiro haraadiga mintidiinta Al Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya sida uu yiri guryaha.

Si kastaba ha-ahaatee muddooyinkii ugu dambeysay ayaa waxaa si weyn u soo badanayay dadka deegaanka ka sameysanaya Degmada Heliwaa, tanina waxay calaamad u tahay is bedelka weyn ee amni ee ka jira degmadaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc