Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose oo xilka la wareegay (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose oo xilka la wareegay (SAWIRRO)

by Laacib

Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre ayaa maanta xilka la wareegay, toddobaad ka dib markii uu xilkaasi u soo magacaabay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa 8-dii bishan Xeer Madaxweyne ku soo magacaabay Gudoomiyaha cusub, isagoona xilka ka qaaday Gudoomiyihii hore ee gobolkaasi, Ibraahim Aadan Cali (Najax).

Gudoomiyaha cusub ayaa xilka kala wareegay Gudoomiyihii hore, ka dib munaasabad ka dhacday Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Gudoomiye Najax ayaa feelasha maamulka gobolka guddoonsiiyay Gudoomiyaha cusub, isagoona u rajeeyay inuu si wanaagsan u guto waajibaadka loo igmaday.

Munaasabadda ayaa waxaa ku sugnaa Gudoomiye Kuxigeenada Gobolka Shabellaha Hoose, Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed, G/sare Cabdi Ibraahim Shaamow (Cabdi Dheere), Gudoomiyaha Degmada, Liibaan Abuukar Cismaan (Baafo) iyo masuuliyiin kale.

Maamulka gobolka ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku shaqeynayay Degmada Baraawe, kuwaa oo aan iyagu ku shaqeyn Magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi.

Baraawe ayaa ku magacaaban Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, inkastoo Madaxda Koonfur Galbeed ay si ku-meel-gaar ah ugu shaqeeyaan Magaalada Baydhabo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc