Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo dalka ku soo laabtay

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo dalka ku soo laabtay

by Laacib

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib dhowr cisho ah oo uu howlo shaqo ugu maqnaa dalka Sacuudiga.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Gudoomiyaha ayaa tan iyo Axaddii booqasho ku joogay Magaalada Riyadh ee Xarunta Boqortooyada Sacuudiga Carabiya, halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa dalkaasi, Abdullah ibn Muhammad Al ash-Sheikh.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la xoojiyo xiriirka wada shaqeyneed ee labada Baarlamaan, iyagoona isla qaatay in la dhiso guddi si wadajir ah uga shaqeeya xiriirka labada dhinac.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc