Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo guddi u magacaabay shaqaaqadii Baraawe

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo guddi u magacaabay shaqaaqadii Baraawe

by Laacib

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa caawa Guddi Xildhibaano ah u magacaabay dagaalkii khasaaraha gaystay ee 12-kii bishan ka dhacay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ee magaalo xeebeedkaasi ku wada sugan, iyadoona ay dagaalka ku dhinteen 10 askari oo ciidamadii dagaalamay ah, sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre.

Guddigan ayaa loo wakiishay inuu warbixin ka soo diyaariyo dhacdadaasi, golahana uu dib ula soo wadaago.

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) faray in guddigu uu ku wargeliyo inay si degdeg ah u hawlgalaan, kulamadoodana uu abaabulo, isla-markaana uu u fududeeyo wixii xilgudasho ah.

Aadan Madoobe ayaa Arbacadii Xarunta Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho ka sheegay “Baarlamaanka sidiisaba wuxuu ka hadlaa arrin isaga ka sal gaaray oo dhab ah oo xaqiiqsaday ayuu ka hadlaa.”

Hadalka Aadan Madoobe ayaa ka dambeeyay, ka dib markii Xildhibaanada ay dood adag ka yeesheen xiisadda ka soo korortay Baraawe, iyadoona aad moodeysay inay la kala safteen labada ciidan.

“Sida ugu dhakhsiyaha badan leh guddigaas ayaa la magacaabayaa, guddiga liiskiisa ayaana la soo saarayaa. Dad xog ogaal ah iyo dad akhyaar ah oo dhexdhexaad ah oo cidna u eexaneynin ayaan ku kordhinaynaa. Barnaamijka oo qoraal ah oo dhameystiran ayaa miiska na loo soo saarayaa, markaasaa arrinta geli doonnaa.” Ayuu xilligaa yiri Aadan Madoobe.

Guddiga ayaa la filayaa in warbixintooda ay golaha la soo wadaagi doonaan, wixii ka dambeeya 5-ta bisha soo socoto ee July, markaas oo kulamada Golaha Shacabka ay dib u bilaaban dooaan.

Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ayaa Khamiistii si ku-meel-gaar ah u hakiyay kulamadii golaha, inta lagu guda jiro gudashada acmaasha Xajka iyo fasaxa Ciidul Adxa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc