Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray Xafiisyada Guddiyada G/shacabka (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray Xafiisyada Guddiyada G/shacabka (SAWIRRO)

by Laacib

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta kormeeray Xafiisyada Guddiyada Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kormeeray Xafiisyada Guddiga Arrimaha Bulshada, Guddiga Gaadiidka, Tamarta & Garoomada Diyaaradaha, Guddiga Amniga & Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Difaaca.

Gudoomiyaha ayaa u kuurgelayay howlaha shaqo ee ka socdo Xafiisyada Guddiyada, oo ku howlan kor-joogteynta Hay’adaha Dowladda Federaalka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiye Aadan Madoobe.

“Gudoomiyaha ayaa u kuurgalay shaqada ka socota guddiyada, kuwaas oo ku howlan kor-joogteynta Hay’adaha Dowladda iyo sida ay u socdaan kulamada guddiyada. Waxaana uu Gudoomiyuhu ku dhiirigeliyay Xildhibaanada in ay ilaaliyaan joogitaanka kulamada.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa bogaadiyay guddiyadda shaqooyinka baaxadda leh, la xisaabtanka iyo kor-joogteynta Hay’adaha Dowladda.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc