Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Galmudug oo la dhaariyay (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Galmudug oo la dhaariyay (SAWIRRO)

by Laacib

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Galmudug, Daa’uud Cali Caddow ayaa caawa lagu dhaariyay munaasabad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Axaddii magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal ayaa dhaariyay Gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare.

Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Galmudug, qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada iyo xubno kale.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa hay’adaha kala duwan ee Dowlad Goboleedka Galmudug faray in ay la shaqeeyaan Gudoomiyaha Maxkamadda Sare.

Magacaabista iyo dhaarinta Gudoomiyaha ayaa imaanaysa, iyadoo Galmudug uu ka socdo hawlgal ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc