Home Wararka Maanta Gudoomiye Barre “Meel wanaagsan ayay mareysaa arrinta Baraawe”

Gudoomiye Barre “Meel wanaagsan ayay mareysaa arrinta Baraawe”

by Laacib

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre ayaa galabta sheegay in uu meel wanaagsan marayo dadaalada lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda maalmihii ugu dambeysay ka taagneyd Degmada Baraawe ee gobolkaasi, kana dhalatay dagaalkii 12-kii bishan degmadaasi ku dhex maray Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha oo ka hor hadlayay wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo maalintii labaad ku sugan Baraawe ayaa ka warbixiyay dadaalada socda ee xiisaddaasi lagu soo afjarayo.

“Shaqaaqadaasi darteeda ayaa waxaa u yimid Baraawe wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo anigu aan hoggaaminayay iyo Saraakiil kale oo naga la socotay Taliska Dhexe ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, imaanshahaynii ka dib waxaan ku guuleysanay shaqaaqadii inaan joojino, meesheediina aysan ka sii dhaqaaqin. Sidoo kale waxaa inoo yimid Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayagana waxay ku guuleysteen inay baaris ku sameeyaan dhacdadaasi, howsha meeshii ay noo mareysayna ay ka sii wadaan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Ugu dambayn shalay (Khamiistii) waxaa na soo gaaray wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, subixiina ay ka soo horreyeen Wasiirka Caddaaladda Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, markii Wasiirka uu imaanayayna waxaa la socday Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida.”

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Wasiirka iyo wafdigiisa markii ay yimaadeen ma aysan nasanin, isla-markii howshoodii ayay guda galeen, ayagoo ciidamadii isku dhaca uu dhexdooda ka dhacay ee walaalaha ahaa, oo la doonayay inay hal difaac ka soo wada jeestaan inay dhexdoodii galaan ayay ka shaqeeyeen, waxaana illaa xalay lagu guuleystay inay guul weyn ka gaaraan. Sidaad aragtiin waxaa maanta inoo suurtagashay in ciidamadii inta la isku dhafay horteenna inta lagu soo fuuliyay ay salaan wada siiyaan Wasiirka Gaashaandhigga, guusha intaas ah ayaa maanta gaarnay.”

Maxamed Ibraahim Barre, Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa xusay in Wasiirka iyo Garsoorka Maxkamadda Ciidamada ay maamulkiisu la wadaagi doonaan, tallaabooyinka xigga ee halkan looga dhaqaaqi lahaa iyo siday mid amni ah u ahaan laheyd Baraawe.

“Isku dhac dambena inuusan dhicin, xal waarana inaan wada gaarno, taas ayay tahay midda ay nala wadaagi doonaan wafdiga Wasiirka.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Wasiir Jaamac ayaa goor sii horreysay Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada ka codsaday inay dedejiyaan baaritaankooda, si sharciga loo horkeeno askartii ku horreysay gacan-qaadkaasi.

Dagaalka labada ciidan ku dhex maray degmadaasi oo galaaftay nolosha 10 qof oo u badan askarta labada dhinac ayaa xiisad ka abuurtay Baraawe, iyadoona ay walaac dhanka amniga ah ku abuurtay dadka deegaanka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc