Home Wararka Maanta Gudoomiye Barre “Shabaab ayaa ka masuul ah wixii ka dhacay Shabellaha Hoose”

Gudoomiye Barre “Shabaab ayaa ka masuul ah wixii ka dhacay Shabellaha Hoose”

by Laacib

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre ayaa maleeshiyada Al Shabaab dusha u saariyay qaraxa khasaaraha badan gaystay ee maanta ka dhacay gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa miino waddada dhinaceeda lagu sii diyaariyay ayaa lala beegsaday gaari nooca rakaabka oo Caasi ahaa, kaas oo ka ambabaxay Magaalada Marka, kuna sii jeeday Degmada Qoryooley ee gobolkaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in qaraxu uu gaariga qabsaday, xilli uu marayay inta u dhaxeyso deegaanada Shalambood iyo Kabtan-laas, isagoona falkan ku qeexay mid si ula kac ah loogu qasday in dadkaasi lagu dhibaateeyo, waana xasuuq uu sheegay in lagu la kacay dad aan waxba galabsan.

“Maanta waxaa dhacay qarax lagu xasuuqay dad masaakiin oo safar ahaa, oo ku sii jeeday Magaalada Qoryooley, kana yimid Magaalada Marka.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Nimankii nabadiidka ahaa ayaa qaraxa ku dhibaateeyay dadka shacabka, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen dad ay ku jiraan carruur iyo haween.”

Waxa kaloo uu yiri “Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa saddex carruur ah, laba haween iyo darawalkii gaariga BL-ka ee Caasiga ahaa waday. Sidoo kale qaraxaasi waxaa ka dhashay dhaawaca 12 qof.”

Mar uu ka hadlayay nooca uu qaraxu ahaa ayaa waxa uu yiri “Qaraxa wuxuu ahaa miino waddada la geliyay oo dadkaasi masaakiinta ah lala beegsaday, maadaama nimankan nabadiidka ay mar walbaba doonayaan inay ummadda Soomaaliyeed dhibaato u gaystaan oo ay gumaadaan.”

Waxaa uu sheegay in mintidiinta ay qaadayaan masuuliyadda falka uu sheegay in lagu gumaaday dad ay dhallaan iyo hooyooyin ka mid yihiin.

“Dhimashadaa iyo dhaawacaa waa mid ay iyaga dhabarka saaranayaan, oo xasuuqii ay horeyba shacabka Soomaaliyeed ugu gaysan jireen ayuu qayb ka yahay, sida maalinlaha ahna uga dhici jiray magaalooyinka kala duwan ee dalka.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Hadalkiisa ayuu ku xoojiyay inaanay garanayn sabab kale oo maanta dadkaasi loo laayay aan cabsi-gelin ahayn.

“Marka waxay caddeynaysaa inay sii dabargo’ayaan, oo ay naf la caari yihiin, maadaama ay mar walbaba doonayaan inay dhiiggaasi oo keliya daadiyaan. Waa cabsi-gelin oo ay doonayaan inay shacabka Soomaaliyeed ku cabsi-geliyaan, sabab kale oo aan ku tilmaami karno ma jirto.”

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Warbaahinta u sheegay in dadka ay xaaladdoodu garaabka tahay loo qaaday goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.

Waddooyinka Gobolka Shabellaha Hoose ee ay baabuurta rakaabka adeegsadaan ayaa waxaa ku badan qaraxyada lala eegto gaadiidka dadweynaha, si ka duwan gobolada kale ee dalka. Gobolkan ayaa laga diiwaangeliyay dhacdooyin fara-badan oo lagu dhibaateeyay gawaari ay dad shacab ahi la socdeen.

Qaraxyadan hareeyay gobolkaasi oo loo tiriyo mintidiinta Al Shabaab ayaa waxaan jirin qarax qura oo masuuliyaddiisu ay sheegteen, waxyeelana ka soo gaartay dadka socoto ahaa, intii qaraxyadu ka dhacayeen gobolka.

Qaraxanse ugu dambeeyay ayaa imaanaya, iyadoo dalka looga diyaargaroobayo wejiga labaad ee gulufka la doonayo in lagu curyaamiyo dhaqdhaqaaqyada iyo weerarada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc