Home Wararka Maanta Gudoomiye Muumin oo ka hadlay dagaalka ka dhacay Degmada Maxaas

Gudoomiye Muumin oo ka hadlay dagaalka ka dhacay Degmada Maxaas

by Laacib

Gudoomiyaha Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, Muumin Maxamed Xalane ka hadlay dagaalka gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degmadaasi.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Ciidanka Guutada Cali Bin Abii Daalib ee Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ee Macawiisley, iyadoona uu dagaalku soo gaaray fiidnimadii caawa.

Gudoomiyaha Degmada Maxaas ayaa sheegay in dagaalku uu si aan ku talagal ahayn uga bilowday magaalada, ka dib markii nin askari ahi uu dilay nin kale oo ka tirsanaa Macawiisleyda.

Waxa uu sheegay in fiidnimadii caawa ay u suurtagashay in labada dhinac ay kala dhex galaan, xaaladdana ay ku soo dabaalaan mid degan.

“Dhimasho iyo dhaawac waa jiraan, wixii dhintayna Allaha u naxariisto, waxa dhaawaca ahna Allaha caafiyo. Arrintaasi waxay ahayd wax lama filaan ah, nin shacab ah oo dadka deegaanka ah ayaa waxaa dilay nin askari ah oo Ciidamada Dowladda ka tirsan, dabadeedna sida la ii sheegay meeshii xabadaa ka bilaabatay, niman Macawiisley ah oo meesha joogay iyo Ciidamadii Dowladda ayuu dabaal ka dhex bilowday, dadna waa dhintay, dadna waa dhaawacmay, xabadii oo socoto ayaan soo kala dhex galnay, xaaladduna hadda waa degan tahay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo VOA la hadlay.

Mar wax laga weydiiyay inta uu khasaaruhu le’egyahay ayaa waxa uu sheegay inaanay hadda haynin macluumaad sax ah oo ku aaddan tirada dhimashada iyo dhaawaca, hase yeeshee ay dib ka soo sheegi doonaan.

“Faah faahin toos ah ma hayno, xabaddu waaba habeensatay ayadoo habeen ah ayay xaaladdu gaartay, wuxuna wax si kedis ah ku bilowday ayay ahaayeen ee ma ahayn duulaan u dhaxeeya laba qolo ama qabiil ama shacab iyo dowlad, wax lagu talagalayna ma ahayn.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Waxa uu intaasi raaciyay “Nin askari ah oo arrintiisa la baari doono ayay arrintu ka dhacday, siday hadda wax u dhaceyna hadduu Alle yiraahdo waan faah faahin doonnaa, waana baari doonnaa, maadaama meeshii dad ku dhintay, dadna ku dhaawacmay. Marka xaaladduna hadda waa degan tahay, wax dhibaato ahna ma jiraan.”

Xalane ayaa qaba inaanu dagaalkan wax saamayn ahi ku yeelan doonin gulufka dagaal, ee ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ku wiiqayaan maleeshiyada Al Shabaab.

Illaa saddex qof ayaa la sheegaya in dagaalka ku dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Dagaalkan ayaa intii uu ka socday magaalada waxa uu walaac dhinaca amniga ku keenay dadka deegaanka, oo si weyn u hadalhaya isku dhacaasi.

Maxaas waa mid ka mid ah goobaha lagu abaabulayo Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ee hawlgalka ka wada qaybo ka mida deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc