Home Wararka Maanta Gudoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland oo iska casilay xilalkii uu ka hayay Somaliland

Gudoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland oo iska casilay xilalkii uu ka hayay Somaliland

by Laacib

Gudoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdirissaq Khaliif Axmed ayaa caawa Magaalada Laascaanood kaga dhawaaqay in uu iska casilay xilkaasi.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale shaaciyay in uu iska casilay Xubinimadii Golaha Wakiilada iyo Xubinimadii Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee Waddani.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Somaliland uu ka hayay laba gaari, mid yaala Magaalada Hargeysa, midka uu hadda isticmaalo ee yaala Magaalada Laascaanood. Gaariga yaala Hargeysa ayuu sheegay in berrito la gayn doono Xarunta Baarlamaanka, halka kan yaala Laascaanood uu ku wareejinayo Maamulka SSC, sida uu yiri.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa 6-dii bishan Maxkamadda Dastuuriga ee Somaliland u gudbiyay dacwad ka dhan ah Gudoomiyaha.

Xafiiska ayaa maxkamadda ugu baaqay in la laalo Xubinimadii Golaha Wakiilada ee Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo muddooyinkii ugu dambeysay ku sugnaa Magaalada Laascaanood.

Xafiiska ayaa Gudoomiyaha ku eedeeyay inuu si cad uga horyimid jiritaanka iyo midnimada Somaliland, isla-markaana uu taageeray go’aanadii ay horey u soo saareen Garaadada Gobolka Sool ee ku shiray Magaalada Laascaanood, sheegayna in deegaanada SSC (Sool, Sanaag iyo Cayn) aanay ka mid ahayn Somaliland, isla-markaana ay si toos ah u hoos-taggaan Dowladda Federaalka.

Eedeynta loo jeediyay ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahayd in uu jebiyay shuruudihii lagu soo doortay, oo ah xil gudasho, isla-markaana uu gudan waayay xilkiisii, kana maqnaaday golaha labaatan fadhi oo xiriir ah iyo inuu ka maqnaaday shaqadii Golaha Wakiilada in ka badan 45 maalmood, cudurdaar la’aan.

Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa isla 6-dii bishan ugu yeertay Cabdirisaaq Khaliif in uu muddo toddobo cisho ah kaga soo jawaabo dacwadda laga soo gudbiyay, oo sida ay sheegtay ka furan Maxkamadda Dastuuriga ee Somaliland.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa saacado ka dib qoraal uu soo saaray kaga jawaabay u yeeritaanka ay u yeertay Maxkamadda Sare, isagoona qoraalkiisu ku yiri “Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare wax qiime sharci ah ma laha, waxaanu baal marsan yahay Dastuurka Dalka iyo dhammaan Xeerarka Dhaqangalka ah, mana mudna inaan ka jawaabo, waana arrin jawaabteedu u taalo guud ahaan Golaha Baarlamaanka [Wakiilada iyo Guurtida] ee awoodahooda iyo xasaanadooda lagu xadgudbay.”

Gudoomiyaha oo deegaan ahaan ka soo jeeda SSC ayaa kol hore xukuumadda ku eedeeyay inay waxyeelo baahsan ka gaysatay Magaalada Laascaanood.

Laascaanood ayaa waxaa tan iyo 6-dii bishii February ku dagaalamayay Ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc