Home Wararka Maanta Guluf dhowr weji leh oo ka bilowday Gobolada Dhexe

Guluf dhowr weji leh oo ka bilowday Gobolada Dhexe

by Laacib

Wararka ka imaanaya Gobolada Dhexe ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee la abaabulay ay maanta qaadeen guluf dhowr weji leh oo ku wajahan Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Ciidan xoog leh oo ka ambabaxay Degmada Galcad ayaa u ruqaansaday dhanka Galhareeri, iyagoona cagta saaray waddada xiriirisa labadaasi magaalo.

Ciidanka Kumaandooska Gorgor & Danab ee Xoogga Dalka oo horkacaya hawlgalkan ayaa bilowgiiba la wareegay deegaanka Baraagta Sheekh Caamir iyo tuulooyinka kale ee ku dhow dhow.

Ciidamada ayaa ku wajahan deegaanka Cowsweyne oo hoostagga Galhareeri. Cowsweyne ayaa ka mid ah goobaha ay maleeshiyada Al Shabaab isku dayayaan in ay ka difaacaan Galhareeri iyo Ceelbuur.

Ciidamada Militariga ayaa sidoo kale isku fidinaya deegaanada darafyada kaga yaala Galcad, sida Burtuble, Waniinle, Gal-libaax iyo Tawakal, si mintidiinta Al Shabaab lagaga sifeeyo dhulka ku dhow dhow Cowsweyne iyo Galhareeri.

Sidoo kale ciidan kale oo ka soo ruqaansaday deegaanka Hilowle Gaab ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa la soo sheegaya inay la wareegeen deegaanka Cali Heele oo hoostagga Galcad.

Ciidanka Guutada Gumac ee Ilaalo Qaran ayaa lagu wadaa in ay si buuxdo isugu furaan waddada Galcad iyo Masagawaa. Guutada Gumac oo loo waday Gobolka Hiiraan ayaa wax laga bedelay qorshahoodii gobolkaasi, iyagoona loo soo weeciyay dhanka Galgaduud, balse ay dib u raaci doonaan qorshahoodaasi ay kaga hawlgeli doonaan galbeedka gobolka.

Sidoo kale Ciidanka Guutada Cali Bin Abii Daalib ee Xoogga Dalka ayaa duhurnimadii maanta ka dhaqaaqay barrihii ay kaga sugnaayeen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, iyagoona u qalab qaatay, sidii ay u xoreyn lahaayeen deegaanka Wabxo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay galabta la wareegeen deegaanka Ceelgorof, oo ah jidka jaantii ay ku gaari lahaayeen Wabxo. Wabxo waa bar kale oo Shabaabku ka difaacayaan Ceelbuur.

Cutubyo ka tirsan Militariga Itoobiya ee qaybta ka ah Ciidanka ATMIS ayaa kaabaya ciidamada ku wajahan Wabxo, oo qorshuhu yahay in ay uga sii tallaabaan Magaalada Ceelbuur.

Ciidan kale oo xoog leh oo maalmihii ugu dambeysay lagu diyaarinayay Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa inay jihada bari kaga dhaqaaqaan Ceelbuur.

Ciidamadan ayaa ah ciidanka cududdiisa ee la filayo in ay xoreeyaan Ceelbuur iyo deegaanada kale ee hoostagga, waana ciidanka loo abaabulay in ay isku fidiyaan dhulka miyiga ee ka baxsan Ceelbuur iyo deegaanada ku teedsan.

Hawlgalka safka ballaaran ee ka bilowday Galmudug ayaa waxaa ka qayb qaadanaya diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga, kuwaa oo maanta bartilmaameedyo ka fuliyay goobo ay Shabaabku kaga sugnaayeen Gobolka Galgaduud. Wararka ayaa sheegaya in duqaynta xoogeeda ay ka dhacday waddada Galcad iyo Galhareeri.

Diyaaradaha dagaalka ayaa la sheegaya inay u diyaarsan yihiin in ay ciidamada ka taageeraan goobaha ay ku adkaato in si dhakhsi leh uga gudbaan.

Hawlgalkan mid kaloo barbar socda ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay ciidamadu ka bilaabaan Koonfurta Gobolka Mudug.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa naawilaya in ciidamadu ay maalmo tirsan gudahood ku xoreeyaan Bariga Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug.

Villa Somalia ayaa damacsan in kolka sagxadda laga dhigo Shabaabka Galmudug ay ciidamadu warmaha u qaataan dhulka ay argagixisadu kaga harsan tahay daanta galbeed ee Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Villa Somalia ayaa muruq iyo maal badan ku bixineyso, sidii cagta looga hoos marin lahaa Shabaabka Gobolada Dhexe, oo daashaday bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.

Wareegga ugu dambeeyo ee hawlgalka ayaa noqon doona kan lagu wajahayo goobaha ay Shabaabku ka maamulaan deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Dadka ka faallooda arrimaha militariga ayaa kuu sheegaya in Al Shabaab ay wajaheyso xilligeedii ugu adkaa, muddadii ay maleeshiyadeeda dalka ka dagaalamayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horaan wacad ku maray in dowladdiisu ay dalka ka ciribtiri doonto kooxaha argagixisada, tiiyoo maanta ay raadkeedii hayso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc