Home Wararka Maanta Gurmadkii Shabaab oo u muuqdo mid la kala jaray

Gurmadkii Shabaab oo u muuqdo mid la kala jaray

by Laacib

Dhaqdhaqaaqa ballaaran ee ka socda Gobolada Dhexe ayaa la sheegaya in uu culeys weyn ku keenay maleeshiyada Al Shabaab ee ka hawlgala goboladaasi, isla-markaana uu u muuqdo mid meesha ka saaray gurmadkii ay ka heli jireen dhanka Gobolada Koonfureed.

Wararka laga helayo dhulka Shabaabka ka maamulaan Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa sheegaya inaanu dhaqdhaqaaq aan badnayn ka jiro goobaha ay Shabaabku kaga harsan yihiin deegaanada Galmudug.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inaanu jirin wax gurmad ah oo illaa iyo hadda Al Shabaab uga yimid dhinaca Gobolada Koonfureed, taas oo loo aaneynayo ciidamada oo isku ballaarinaya xadka Gobolka Galgaduud la wadaago Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe iyo iyagoo ka baqdin qaba weerarada dhanka cirka.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa horaan cududdooda isugu geeyay deegaanada hoostagga Magaalada Ceelbuur, si ay halkaasi uga difaacdaan gacan ku haynteeda. Shabaabka ayaa la sheegay inay dhufeysyo waaweyn ka sameysteen deegaanada Wabxo iyo Cowsweyne, oo lagu tilmaamay difaacooda hore ee ay ka difaacayaan magaaladaasi.

Ciidan xoog leh oo lagu diyaariyay deegaanada Galmudug ayuu yoolku yahay in ay ku dhaqaaqaan Bariga Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug, si halkaasi uga saaraan mintidiinta.

Goobaha ay ciidamadu ku adkaato in ay ka gudbayaan ayaa la filayaa in ay dhanka cirka ka taageeraan diyaaradaha saaxiibada caalamiga, oo door muuqdo ku yeelan doono wejiga labaad ee hawlgalkan.

Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa mar sii horreysay sheegay in maalmaha soo socda uu bilaaban doono hawlgal wadajir ah, oo Shabaabka lagaga saarayo deegaanada ay baaqiga kaga yihiin Galmudug.

Cali Daahir Ciid, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ayaa sheegay in illaa toban kun (10,000) oo askari loo diyaariyay hawlgalka lagu xoreynayo dhulka Galmudug.

Villa Somalia ayaa culeyska saareysa in wareegga hore ee hawlgalka ay ciidamadu qabtaan deegaanada Galmudug, marka xigtana ay u qalab qaataan daanta galbeed ee labada gobol ee Hirshabelle (Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe).

Barnaamijka Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah inaanu waqti badan kaga bixin gulufka lagu dhameystirayo haraadiga Shabaab ee Gobolada Dhexe.

Wejigii hore ee hawlgalka ayaa lagu kala dhantaalay awooddii Shabaabka Gobolada Dhexe, xilligaasi oo ay lumiyeen inta badan dhulkii ay ka maamulayeen Hirshabelle iyo Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda xarun ka dhigtay Magaalada Dhuusamareeb ayay tahay in uu dardargeliyo hawlgalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu hawlgalku socdo kormeeri doona jiidda hore iyo goobaha laga la wareego Shabaabka.

Wejiga labaad ee hawlgalka ayaa noqon doona culeyskii ugu weynaa ee ay wajahaan Shabaabku, ka dib muddo lix iyo toban sano ah oo ay dalka ka dagaalamayeen.

Shabaabka ayaa sheegta in ay yihiin Urur Islaami oo jihaadi ah, balse Culima’udiinka Soomaaliyeed ayaa naqdiya sheegashadoodaasi, marka aad eegto sida xaqdarada ah ee ay u banneysteen dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc