Home Wararka Maanta Guuleed oo hortegay Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka (SAWIRRO)

Guuleed oo hortegay Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka (SAWIRRO)

by Laacib

Cabdikariin Xuseen Guuleed, Ergayga Madaxweynaha Somaliya U Qaabilsan Arrimaha Somaliland ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii hortegay Guddiga Arrimaha Gudaha & Amniga ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo ay si wadajira u shir guddoominayeen Gudoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Foosiyo Maxamed Sheekh iyo Gudoomiyaha Guddiga Dib-u-heshiisiinta, Xildhibaan Axmed Aadan Axmed ayaa Ergayga lagaga wareystay shaqada uu qaranka u hayo.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa xubnaha laba guddi uga warbixiyay halka ay u mareyso howsha uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka u wakiishay iyo marxaladaha ku horgudban.

Guuleed ayaa xubnaha ka codsaday inay la shaqeeyaan, isla-markaana uu u baahan yahay talooyinkooda ku aaddan dhabaha ay tahay in loo maro arrinta Somaliland.

“Guddiyada ayaa dhankooda soo dhaweeyay warbixinta uu siiyay Ergayga Gaarka Arrimaha Dib-u-heshiisiinta Somaliland, ayagoona sheegay in ay si dhow ula shaqeyn doonaan.” Ayaa lagu yiri qoraal xalay lagu daabacay bogga Golaha Shacabka.

Guuleed ayaa muddooyinkii ugu dambeysay waday kulamo uu taageero heer caalami ah ugu raadinayo, sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc