Home Wararka Maanta Hal nin oo loo soo qabtay hoobiyeyaasha dadka ku dilay Muqdisho

Hal nin oo loo soo qabtay hoobiyeyaasha dadka ku dilay Muqdisho

by Laacib

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay inay gacanta ku soo dhigeen nin ku eedeysan tuurista hoobiyeyaashii saakay ku soo dhacay Magaalada Muqdisho.

Hoobiyeyaasha oo u muuqday kuwo uu bartilmaameedkoodu ahaa Xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa laba ka mida waxay ku soo dhaceen Degmada Waaberi, gaar ahaan Waaxda Hantiwadaag iyo xaafadda Otto Otto.

Dhowr qof oo isku qoys ahaa ayaa la ogyahay inay ku dhinteen hoobiyaha ku soo dhacay xaafadda Otto Otto.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hoobiyeyaasha oo kuwa macmal ahaa laga soo tuuray bannaanka Degmada Dayniile, gaar ahaan goof uu sheegay ku yaala duleedka degmadaasi.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in ciidamada amniga ay gaareen goobtaasi, isla-markaana ay gacanta ku soo dhigeen nin la rumeysan yahay inuu ka mid ahaa kooxihii falkaasi ka dambeeyay.

“Ciidamada ammaanka ayaa ku baxay goobtii ay wax ka soo dhaceen, waxaana gacanta lagu soo dhigay qof eedeysane ah, oo la rumeysan yahay inuu ka mid yahay raggii dhagartaasi soo maleygay ama dhagartaasi ku howlanaa inay fuliyaan dadka shacabkana ay gaarsiiyaan, isagana baaristiisa ayaa socota eedeysanahaasi.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka ayaa yiri “Sidoo kale illaa saddex gumaca hoobiyaha ay soo tuureen ah, ayna ku howlanaayeen inay soo tuuraan ayaa goobta loogu tegay. Haddana Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo ciidamada kale ee amniga caasimadda ku howlan ayaa goobta ku sugan.”

26-kii bishii June ayay ahayd, markii Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir uu soo bandhigay nin ku eedeysan inuu hoggaaminayay koox tiro hoobiyeyaal ah 25-kii bishaasi ku weerartay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda hoobiyeyaasha maanta ku soo dhacay Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc