Home Wararka Maanta Haweeneydii lagu dilay Caabudwaaq oo dad loo soo qabqabtay

Haweeneydii lagu dilay Caabudwaaq oo dad loo soo qabqabtay

by Laacib

Ciidamada amniga ee Magaalada Caabudwaaq ayaa tiro dad ah u soo qabqabtay haweeneydii habeen hore lagu dilay magaaladaasi.

Kooxo hubeysan ayaa haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Foos Aadan Nuur Xuubey ku dilay xaafadda Ubax, xilli ay ku sii jeedday hoygeeda.

Kooxahan oo aan si rasmi ah loo garanayn sababta ay u dileen haweeneydaasi oo ka mid ahayd ganacsatada reer Caabudwaaq ayaa dilka ka dib ka baxsaday goobtii ay ku dileen, oo aan sidaasi uga fogayn hoygii ay deganeyd.

Taliyaha Saldhigga Booliska Caabudwaaq, Bilaal Xasan Cali ayaa xaqiijiyay in dhowr qof ay u soo xireen falkaasi, kuwaa oo sida uu sheegay ay baaritaan ku wadaan.

Taliyaha ayaa tilmaamay in illaa iyo hadda aysan kala caddeyn ujeedada ka dambeysay in la beegsado haweeneydaasi, isagoona xusay in kooxahaasi aysan wax dhac ah u gaysan marxuumadda.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Galgaduud ay ku biireen baaritaanka socda, ka dib markii sida la sheegay ay Madaxtooyada Galmudug dalbatay in si degdeg ahi sharciga loo horkeeno dembiileyaasha.

Bilaal Xasan Cali, Taliyaha Saldhigga Booliska Caabudwaaq ayaa sheegay in dhacdadan ay tahay mid ku cusub Caabudwaaq iyo deegaanada ku xeeran, isla-markaana ay qalqalgelisay dadka deegaanka iyo weliba amniga magaalada.

Taliyaha ayaa xusay in kolka ay baaritaanka soo geba-gabeeyaan ay la wadaagi doonaan bulshada.

Marxuumadda oo si weyn looga yaqaanay magaalada ayaa Arbacadii lagu aasay khabuuraha ku yaala duleedka magaaladaasi.

Dhacdadan ayaa imaanaysa, xilli labadii toddobaad ee ugu dambeysay ay kordheen dilalka haweenka loogu gaysanayo dalka.

Muqdisho, Qoryooley iyo Beledxaawo ayaa waxaa ka dhacay dilal loo gaystay hooyooyin Soomaaliyeed, inkastoo haweenka lagu dilay Muqdisho iyo Qoryooley la sheegay in ay dileen raggii qabay, kuwaa oo hadda ku jira gacanta laamaha amniga, lana fillayo in sharciga la horkeeno.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc