Home Wararka Maanta Hawlgal Shabaab lagu dilay, mid kalena lagu soo qabtay oo ka dhacay Gobolka Galgaduud (SAWIRRO)

Hawlgal Shabaab lagu dilay, mid kalena lagu soo qabtay oo ka dhacay Gobolka Galgaduud (SAWIRRO)

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa maanta hawdka deegaanka Bulacle ee Gobolka Galgaduud ka sameeyay hawlgal ka dhan ah koox ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.

Hawlgalka ayaa ahaa mid ay ciidamada ku daba joogeen sideed nin oo sida la sheegay ka tirsanaa maleeshiyadaasi, kuna sugnaa dhulka hawdka ee ku yaala duleedka deegaankaasi.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in hawlgalka lagu dilay saddex ka mid ah xubnahaasi, mid kalena ay ciidamadu nolosha ku soo qabteen.

Gelinkii dambe ee maanta ayaa Bulacle oo ku yaala waddada xiriirisa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur lagu soo bandhigay meydka mid ka mid ah xubnahaasi iyo ninka kale ee ay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen.

Sidoo kale goobta ayaa lagu soo bandhigay qori AK47 ahaa oo maleeshiyadaasi laga furtay iyo weliba mooto uu nooceedu yahay Fekon, oo sida la sheegay ay maleeshiyadu wadatay.

Duqa Magaalada Dhuusamareeb, Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qarow) oo gaaray deegaanka Bulacle ayaa bogaadiyay ciidamada hawlgalkaasi fuliyay.

Duqa Dhuusamareeb oo hawlgalkaasi ka warbixinayay ayaa yiri “Khawaarijtu sideedaba aagaggan Bulacle, Ceel La-helay iyo agagaarkiisa waxay uga hawlgalaan toban toban iyo shan shan, waa kuwo mootooyin wata oo miinooyin gelinaya dhulka. Marka waxaa jiray qorshe saakay lagu hawlgalay, ciidankuna waxay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan qalabkan aad arkaysaan oo meesha yaala oo hubka iyo mootada, raggii watayna qaarna waa dhinteen, kuwana hawdka ayay ku maqan yihiin, nolol-na ninkaasaa hadda lagu hayaa.”

Duqa Dhuusamareeb ayaa sheegay in ciidamadaasi ay leeyihiin wixii qalab ah ay hawlgalkaasi ku soo furteen, isagoo intaasi ku daray in iyana ay abaalmarin doonaan.

“Waxaan rabaa inaan sheego anigoo uga masuul ah Dowladda Somaliya, nimankaas wixii ay soo furteen ayagaa iska leh, abaalmarina waa la siinaya, abaalmarin dalacsiin iyo duunyaba intaba isugu jirta waa la siinaya.” Ayuu yiri Geeda-qarow.

Geeda-qarow ayaa intaasi ku daray “Annaga iyo Khawaarij waan kala baxnay oo waa la diriray, waddanka inaan uga tagno Ilaahay ma kalifo iyo waddankayaga inaan ka kaxeyno, waxaan ahayn oo meesha yaallaa ma jirto.”

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa bilowgii bishan bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta Bulacle, ka dib muddo dheer oo Shabaabku ka arriminayeen.

 

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc