Home Dhacdooyin Hawlgal uu dhiig badani ku daatay oo lagu soo furtay afar ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta

Hawlgal uu dhiig badani ku daatay oo lagu soo furtay afar ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa maanta ku dhawaaqay in ciidamadooda ay hawlgal gaar ah ku soo furteen afar ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.

Taliska ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in hawlgal weyn oo maalinle ahaa ay ciidamadu ka fuliyeen xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza, isla-markaana ay ku soo badbaadiyeen afar ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ku soo qafaasheen weerarkii October 7-deedii.

Hawlgalka naadirka ah ayaa lagu soo samatabixiyay Noa Argamani, Almog Meir Jan, Andrey Kozlov iyo Shlomi Ziv, iyadoo isla maantaba dib loogu celiyay Israel.

“Dhammaan dadka la soo badbaadiyay waxaa laga soo afduubay bandhigga muusiga ee Nova, intii uu socday weerarkii October 7-deedii.” Ayaa lagu yiri bayaanka Taliska Militariga Israel oo sidoo kalena lagu xusay in dadkaasi laga soo furtay Xoogaga Ururka Xamaas.

Hawlgalkan ayaa waxaa iska kaashaday Ciidanka Difaaca Israel, Sirdoonka iyo kuwo kale oo lagu sheegay Ciidanka Gaarka Israel.

Intii uu socday hawlgalkan ayaa waxay diyaaradaha dagaalka Israel ay duqayn lixaad leh ka gaysteen xerada Nuseirat, iyadoona ay duqayntaasi ku dhinteen dad fara-badan oo rayid ah, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in hawlgalka lagu dilay boqolaal qof oo shacab ah, boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Waa hawlgalkii ugu weynaa ee ay Ciidamada Israel ku soo furtaan tiro ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Marinka Gaza.

Tani ayay Warbaahinta Israel ku qeexday hawlgalkii ugu ballaarnaa ee si guul leh loogu soo furto la haysteyaasha Israeliyiinta qaarkood, tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Warbaahinta Israel ayaa ku warameysa in Tel Aviv ay aaminsan tahay in weli Marinka Gaza lagu haysto ku dhawaad 120 qof oo Israeliyiin ah, kuwaa oo qaarkood haysta laba dhalasho, oo ay ku jiraan kuwo haysta dhalashada Mareykanka.

Kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa weerarkii bishii October ee ay ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho ku soo qafaashay in ka badan 250 qof.

Kooxaha wax iska caabinta ayaa daba-yaaqadii bishii November sii daayay 80 qof oo Israeliyiin ah, oo ay ku bedesheen 240 qof oo Falastiiniyiin ah, kuna xirnaa xabsiyada Israel, markaas oo ay Israel la gaareen heshiis muddo toddobaad ah lagu hakiyay dagaalka Gaza.

Tobanaan ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ayaa ku dhintay duqyamaha ay ciidamadooda ka gaysanayaan qaybaha Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc