Home Dhacdooyin Hawlgalka ka socdo Galmudug oo magac cusub loo bixiyay

Hawlgalka ka socdo Galmudug oo magac cusub loo bixiyay

by Laacib

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) ayaa soo jeediyay in magac loo bixiyo hawlgalka ballaaran ay ciidamadu ka wadaan Gobolada Dhexe.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ayaa hawlgalka ka socda deegaanada Galmudug ku sheegay, kiisii ugu degdegga badnaa, uguna khasaaraha yaraa.

“Haddaanu nahay Ciidamada Qalabka Sida oo ka kooban Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo ciidanka deegaanka, hawlgalkii aanu galnay wuxuu ahaa inta aan xusuusto hawlgalkii ugu degdegga badnaa, ugu khasaaraha yaraa, uguna faa’iidada badnaa.” Ayuu yiri General Cirro.

General Cirro oo Talaadadii ka hor hadlayay Wasiiro iyo Xildhibaano isugu jira Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed Galmudug oo gaaray deegaanka Cammaara ee Koonfurta Gobolka Mudug ayaa ka codsaday in ay magac u bixiyaan hawlgalka.

“Waxaan codsanaynaa hawlgal kasta magac baa loo bixiya, madaxdayadu hawlgalkaas inay u bixiyaan magac.” Ayuu yiri General Cirro oo wax ka hoggaaminaya gulufka militari ee bartamaha dalka lagaga saarayo maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee iskaashanaya ayaa wax ka yar toban cisho kula wareegay inta badan deegaanadii ay Shabaabku ka haysteen gobolkaasi.

La taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Siyaasadda & Xiriirka Baarlamaanka, Sakariye Xasan Cali (Gaashaan) oo ka mid ah masuuliyiinta gaaray Cammaara, kana jawaabayay soo jeedinta jananka ayaa sheegay in hawlgalkaasi uu u bixiyay (Isbahaysiga Bajeela). Bajeela waa deegaan ka tirsan koonfurta gobolkaasi.

“Aniga waxaan u bixiyay Isbahaysiga Bajeela, maadaama ay Bajeela tahay meeshii axdiga lagu soo galay, waa Ilaahay mahadiis.” Ayuu yiri Sakariye Gaashaan.

Gaashaan ayaa beelaha deegaanka ku ammaanay in ay si wadajir ah uga qayb qaadanayaan dagaalka Galmudug looga ciribtirayo Al Shabaab.

Wasiirada iyo Xildhibaanada kale ee gaaray Cammaara oo bogaadiyay Ciidamada Qalabka Sida iyo xoogaga deegaanka ee is garabsanaya ayaa kula dardaarmay in ay sii wadaan dadaalada ay dalka kaga xoreynayaan Shabaabka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc