Home Wararka Maanta Hawlgalka Gobolada Dhexe oo dib u laba kacleeyay

Hawlgalka Gobolada Dhexe oo dib u laba kacleeyay

by Laacib

Abaabul iyo diyaargarow ciidan oo mug leh ayaa laga soo sheegaya deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug, kaas oo mar kale lagu wajahayo maleeshiyada Al Shabaab ee ka hawlgala Gobolada Dhexe.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo xubno isugu jira Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed ayaa abaabulka ka wada deegaanada dhaca daanta bari ee Webiga Shabelle, waana diyaargarowga qorshe dagaal oo dib loogu qaabeynayo istiraatiijiyadda lagu xoreynayo deegaanada ay maleeshiyada Shabaabku ka maamulaan Gobolada Shabellaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

Ilo ku dhow dhow Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegaya inaanay ciidamadu qabsan doonin magaalooyinka iyo deegaanada muhiimka ah, iyadoo inta u dhaxeyso ay ku sugan yihiin maleeshiyada Shabaab.

Wararku waxay sheegayaan in Taliska Militarigu oo u muuqdo mid loo madaxbannaaneeyay hawlgalka militari uu ciidamada ugu talagalay in ay maleeshiyadaasi ka sifeeyaan barraha ay ku sugan yihiin, deegaan illaa tuulana ay noqoto mid ay amnigeeda gacanta ku hayaan.

Siyaasiyiinta ayaa garab istaag u muujiyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka, si loo xoojiyo mooralka ciidamada, ka dib markii maalmo ka hor ay dib uga soo baxeen degmooyin iyo deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Madaxda Qaranka ayaa wacad ku maray in lala xisaabtami doono kuwa ciidamada ku jira ee qorshahoodu yahay in ay kala dhantaalaan guulaha laga gaarayo goobta dagaalka.

Guddoonka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Khamiistii bilaabay in ay ciidamada ku booqdaan furimaha hore, iyagoo raadinaya macluumaad la xiriira kuwa xagal-daacinaya hawlgalada ciidamada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu mar kale tamar u noqday Saraakiisha Ciidamada oo dib howlahooda shaqo uga bilaabay Gobolada Dhexe, dadka deegaankuna ay durbaba dareemayaan laba kacleynta gulufka dagaalka.

Villa Somalia iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa diiradda saaraya, sidii loo sixi lahaa khaladaadka jira, si ciidamadu ay u sii wadaan hawlgalka lagu wiiqayo waxa lagu sheegay Khawaarijta.

Iyadoo la raacayo istiraatiijiyadda dagaalka ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayuu yoolku yahay in ciidamadu ay si dhameystiran isugu furaan waddooyinka ku aroora min magaalo, deegaan iyo tuulo, iyagoo xitaa saldhigan doona dhulka miyiga, hawdka iyo kaymaha, taas oo meesha ka saareysa in Shabaabku ay mustaqbalka carqalad amni ku noqdaan dhulkii la xoreeyay.

Hawlgalka militari ee dhawaan ka bilowday deegaanada Galmudug ayaad mooddaa in uu dheeliyay, ka dib weerarkii Shabaabku ay 26-kii bishii August ka gaysteen deegaanka Cowsweyne, kordhisayna tuhunkii markii horeba laga qabay in ciidamadu ku dhex jiraan kuwo ka shaqeynaya dib u dhacooda, natiijadeeduna ay noqotay in laga soo baxo dhul horaan laga kiciyay Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayay ka go’an tahay in dowladdiisu ay dalka ka sifeyso maleeshiyada Shabaabka, wax kastoo ay ku qaadataba.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc