Home Dhacdooyin Hawlgalkii baadigoobka ee askartii lagu waayay Xeebaha Somaliya oo quus ku soo dhammaaday

Hawlgalkii baadigoobka ee askartii lagu waayay Xeebaha Somaliya oo quus ku soo dhammaaday

by Laacib

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa dhimasho u diiwaangeliyay labadii askari ee 11-kii bishan lagu waayay Xeebaha Somaliya, ka dib markii raq iyo ruuxba la waayay.

Taliska Dhexe ayaa ku dhawaaqay in la soo geba-gabeeyay hawlgal muddo 10 maalmood socday, oo lagu baadigoobayay askartaasi, oo ka tirsanaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka.

Askarta ayaa la waayay xilli habeen ah, ka gadaal markii mid ka mid ah oo doonayay inuu fuulo dooni hub u sidday Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen, oo lagu qabtay Gacanka Cadmeed uu ku dhacay badda, kii labaadna uu biyaha ka daba galay, isagoo raadinaya saaxiibkii.

Marines-ka Mareykanka ayuu xagooda uu hab maamuus caadi ah ka yahay in lagu boodo biyaha, si loo badbaadiyo askarta kale, marka ay ku dhacaan badda.

“Waxaan ka xunahay inaan ku dhawaaqno in baaritaan dheer oo socday 10 maalmood ka dib, labada askari ee naga maqan ee Ciidanka Badda Mareykanka aan la helin, xaaladdoodana loo maleynayo in ay dhinteen.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Waxaan u baroordiiqaynaa askarteennii sida gaarka ah u tababarneyd, waxaana sharfi doonnaa naf hurnimadooda iyo tusaalahooda. Ducadeenna ayaa la jirta ehelka, saaxiibada iyo Ciidamada Badda ee ay ka baxeen.”

Ciidamada Badda Spain iyo kuwa Japan ayaa gacan ka gaystay hawlgalkii lagu baadigoobayay labadaasi askari ee laga sameeyay Gacanka Cadmeed, iyagoo adeegsanaya maraakiib iyo diyaarado.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa dalka Yemen ka fuliyay duqaymo ka dhan ah Xoogaga Xuuthiyiinta, si looga jawaabo weerarada ay ku hayaan maraakiibta ka gudbeysa marinka muhiimka ah ee Bab al-Mandeb.

Washington ayaa Xuuthiyiinta ku eedeysay inay khatar dhab ah ku yihiin isu socodka maraakiibta caalamiga ah, isla-markaana aan la aqbali doonin inay xayiraan marinka maraakiibta caalamiga ah Badda Cas.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa sheegay inaanay iyagu weerar ku ahayn maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, marka laga soo taggo maraakiibta u socda Israel iyo kuwa kale ee Israel laga leeyahay.

Maraakiibta kunteenarada iyo kuwa booyadaha shidaalka ayaa toddobaadkii hore bilaabay inay ka weecdaan Badda Cas, iyagoo isticmalaya marin biyoodka Cape of Good Hope, oo ah waddo wareeg oo kharashkeedu uu badan yahay, tani waxay ka dambeysay, ka dib markii uu Mareykanku bilaabay inuu duqeeyo Xuuthiyiinta Yemen.

Xuuthiyiinta ayaa tallaabada ay ku go’doominayaan Dekedaha Israel ku sheegay mid ay garab istaag ugu muujinayaan dadka reer Gaza ee wajahaya duqaymaha arxan darada ah ee Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc