Home Wararka Maanta Hay’adda NISA oo bilowday in xubnaha Shabaabka ka sifeyso hay’adaha ammaanka

Hay’adda NISA oo bilowday in xubnaha Shabaabka ka sifeyso hay’adaha ammaanka

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in laamaha amnigu ay xabsiga dhigeen xubno ku dhex jiray, oo sida ay sheegtay u basaasayay maleeshiyada Al Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Hay’adda Nabad Sugidda ay qabatay illaa 10 xubnood.

Wasiirka oo gelinkii dambe ee Jimcihii shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Hay’adda NISA ay ku daba joogto laba nin oo kale, kuwaa oo sida uu sheegay baxsaday, isla-markaana si hoose ula shaqeynayay Al Shabaab.

Wasiirka ayaa xubnaha baxsaday ku kala sheegay Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali, balse ma sheegin magacyada xubnaha la qabtay ee xiran.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sheegay in soo qabashada dadkan ay ka dambeysay, ka dib markii la ogaaday inay jiraan xubno ka tirsan dowladda, isla-markaana xogta la wadaaga Al Shabaab.

Dhanka kale Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise ayaa ka tirsanaa Hay’adda NISA, halka Ayaanle Maxamed Cali uu ka tirsanaa Ciidanka Booliska, labaduba waxa ay horey uga soo goysteen Al Shabaab.

Cabdisataar Cabdiqaadir oo sanadkii 2021 isu soo dhiibay hay’adaha ammaanka ayaa la shaqaaleysiiyay sanadkii hore, waxaana uu hadda ahaa Madaxa Hawlgalada ee Hay’adda NISA.

Xubnahan la shaaciyay inay la shaqeynayeen Al Shabaab ayaa waxay xoojineysaa tuhunkii ay dad badani ka qabeen in Shabaabku ay ku dhex milmeen Hay’adaha Dowladda Federaalka, marka aad eegto sida ay u qorsheeyaan weerarada ay ka gaystaan goobaha amnigooda sida weyn loo ilaaliyo, oo aanay suurtagal ahayn in Shabaabku ay si fudud ku gaaraan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc