Home Wararka Maanta Hay’ado caalami ah oo qaylo dhaan ka muujiyay xaaladda adag ee Gaza

Hay’ado caalami ah oo qaylo dhaan ka muujiyay xaaladda adag ee Gaza

by Laacib

Maalin ka dib markii Aqalka Cad ee Mareykanka uu sheegay in la joogo waqtigii ay Israel hakin lahayd duqaymaheeda baahsan ee Marinka Gaza, Hay’adaha WFP, WHO iyo UNICEF ayaa soo saaray digniin ku aaddan masiibada bani’aadantinimo ee ka jirta dhulka go’doonsan.

Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dadka reer Gaza ay u baahan yihiin kaalmo bani’aadantinimo oo dheeri ah, haddii kalena dadka wajahaya xaaladda quusta ah ay la kulmi doonaan macluul baahsan iyo cudurada faafa.

Hay’adahan ayaa sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay in la furo waddooyin cusub oo ay ka soo galaan gargaarka bani’aadantinimo, gawaari badan oo xamuul ahna ay tahay in loo ogolaado inay maalin kasta galaan Gaza.

“Shaqaalaha gargaarka waxay u baahan yihiin in loo ogolaado inay si nabad ah gargaarka u gaarsiiyaan dadka u baahan.” Ayaa lagu yiri war ay si wadajir ah u soo saareen.

Hay’adahan ayaa sheegaya in weerarada joogtada ah ee Israel ay caqabad ku yihiin gargaarka la gaynayo Gaza iyo xitaa qaybintooda.

Hay’adaha ayaa dalbanaya in laga fogaado wax kasta oo carqaladeyn kara howlaha bani’aadantinimo iyo badeecadaha gala Marinka Gaza.

Dagaalka Ciidamada Israel kula jiraan kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa sababay burbur aan horey loo arag oo ku yimid dhulka yar ee xeebaha ah, waxaana ka dhashay masiibo bani’aadantinimo oo barakacisay inta badan dadka reer Gaza, oo tiradooda lagu qiyaaso 2.3 milyan oo qof. Ku dhawaad hal milyan oo ka mid ah oo ku barakacay dhulka ciriiriga ah ee jiidda koonfureed ayaa ah kuwo gaajeysan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

“Dadka Gaza ku nool waxay halis ugu jiraan inay gaajo u dhintaan meel wax yar u jirta baabuurta xamuulka ah ee raashiinka sida.” Ayay tiri Cindy McCain, oo ah Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP.

Cindy McCain ayaa tiri “Saacad kasta oo lunta waxay keeni doontaa inay halis gasho nolol aan tiro lahayn.”

Meelaha aadka loogu baahan yahay in gargaarka uu gaaro ayaa waxaa ka mid ah waqooyiga Gaza, balse Ciidamada Israel ayaa lagu eedeynaya inay taasi hortaagan yihiin.

Ciidamada Israel ee ku sugan bartamaha Gaza ayaa lagu eedeeyay inay dib u celiyaan kolonyada gargaarka ee u socda dhanka waqooyi ee Gaza.

Qaramada Midoobey iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa horaan sheegay in waxa ka socda Gaza ay u dhigmaan dembi dagaal.

Israel ayaase Qaramada Midoobey iyo ururada caalamiga ah ku dhalleeceysay in ay ka masuul yihiin dhibaatooyinka ka jira xagga gargaarka.

Weerarada naxariis darada ah ee Israel ka waddo Gaza ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 24,100 qof, halka 60,834 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay Isniintii sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ay Xamaas maamusho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc