Home Wararka Caalamka Heshiiska maxaabiis is dhaafsiga Israel iyo Xamaas oo maanta ku eg

Heshiiska maxaabiis is dhaafsiga Israel iyo Xamaas oo maanta ku eg

by Laacib

Heshiiska xabad joojinta Marinka Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga Israel iyo Xamaas ayaa maanta ku eg, ka dib markii dhinacyada ay Arbacadii ku heshiiyeen heshiis xabad joojin oo afar maalmood soconeysa.

Labada dhinac ayaa la filayaa in caawa ay sameeyaan wejigii ugu dambeeyay ee maxaabiis is weydaarsiga.

Xamaas ayaa xalay sii deysay 14 qof oo Israeliyiin ah iyo 3 qof oo u dhashay dalka Thailand, iyadoo Israel-na ay sii deysay 39 qof oo Falastiiniyiin ah.

Heshiiska ayaa ah in Xamaas ay sii deyso 50 ka mid ah la haysteyaasha reer Israel, halka Israelna ay tahay in ay xabsiga ka sii deyso 150 Falastiiniyiin ah.

Xamaas ayaa sidoo kale sii deysay tiro ajaaniib ah, kuwaa oo aan qayb ka ahayn heshiiska ee ay dhinacyadu isku dhaafsanayaan maxaabiista.

Heshiiska xabad joojinta ayaa looga faa’iideysanaya in gargaar macno leh la gaarsiiyo dadka reer Gaza, inkastoo aysan kaalmada bani’aadantinimo gaarsiisanayn heerkii loo baahnaa.

Dadka Gaza ayaa tan iyo Jimcihii ka nastay daryanka sawaxanka ee duqaymaha culus ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan magaalada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc