Home Wararka Caalamka Heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is weydaarsiga oo dib u dhac uu ku yimid

Heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is weydaarsiga oo dib u dhac uu ku yimid

by Laacib

Maamulka Israel ayaa dib u dhigay xabad joojintii lagu waday in barqanimada maanta ka bilaabato Marinka Gaza, sida Israel iyo Xamaas ay Arbacadii ku heshiiyeen.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay xabad joojin afar cisho ah oo ka bilaabaneysa 10:00 barqanimo ee Khamiistan iyo inay is weydaarsadaan 250 maxaabiis ah.

Heshiiska ayaa dhigaya in Xamaas ay sii deyso 50 ka mid ah la haysteyaasha reer Israel ee lagu soo afduubay weerarkii 7-dii October, halka Maamulka Israel uu xabsiyadiisa ka sii daayo 150 ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta.

La taliyaha Amniga Qaranka ee Israel, Tzachi Hanegbi ayaa sheegay inaysan jiri doonin wax maxaabiis ah oo Xamaas ay sii deyn doonto, ka hor Jimcaha.

“Sii deynta waxay ku bilaaban doontaa si waafaqsan heshiiskii asalka ahaa ee u dhaxeeyay dhinacyada, mana aha ka hor Jimcaha.” Ayuu yiri Tzachi Hanegbi.

Sarkaal ka tirsan Ururka Xamaas oo lagu magacaabo Mousa Abu Marzook ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin in heshiiska ay dhaqangeliyaan, waqtigii lagu ballamay.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegaya in xabad joojinta iyo maxaabiis is dhaafsigaba ay Jimcaha uun bilaaban doonto.

Dib u dhaca dhaqangelinta heshiiska ayaa la sheegaya in dhinac kastaba ay ka saamayn karto qodobadii ay dhinacyada ku heshiiyeen.

Diblomaasiyiinta Dowladaha Qatar iyo Masar ayaa la sheegaya in ay Tel Aviv ku cadaadinayaan in sii deysmada maxaabiista la bilaabo xilligii lagu heshiiyay in xabad joojinta la dhaqangeliyo.

Qatar iyo Masar oo qayb ka ah dowladaha dhexdhexaadinta sameeyay ayaa doonaya heshiiska xabad joojinta uu dhaqangalo 10-ka subaxnimo ee maanta.

Hoggaamiyeyaasha Caalamka ayaa shalay soo dhaweeyay heshiiska taariikhiga ah, ee ay dhinacyadu isku weydaarsanayaan maxaabiista.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres oo bogaadiyay heshiiska ayaa sheegay in ay jiraan wax badan oo loo baahan yahay in la sameeyo.

“Waxaan soo dhaweynaya heshiiska ay gaareen Israel iyo Xamaas. Waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday jihada saxda ah, laakiin wax badan ayaa loo baahan yahay in la sameeyo.” Ayuu yiri António Guterres.

Guterres ayaa bartiisa X (Twitter) ku sheegay “Qaramada Midoobey waxay awoodeeda oo dhan isugu gayn doontaa hirgelinta iyo kor u qaadista saamaynta wanaagsan ee xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza.”

Hoggaamiyeyaasha Caalamka ayaa Maamulka Israel iyo Ururka Xamaas ka dalbaday in ay si sax ah u dhaqangeliyaan heshiiska ay gaareen.

Dhinacyada ayaa la eegaya, sida ay heshiiskani u dhaqangeliyaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc