Home Wararka Caalamka Heshiiska xabad joojinta Gaza oo laba maalmood lagu kordhiyay

Heshiiska xabad joojinta Gaza oo laba maalmood lagu kordhiyay

by Laacib

Dowladda Qatar ayaa shaacisay in laba maalmood lagu kordhiyay heshiiska xabad joojinta ee Gaza, iyadoo Israel iyo Xamaas ay sii wadi doonaan maxaabiis is dhaafsiga.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Majed Al Ansari ayaa sheegay in dhinacyada ay aqbaleen in laba maalmood lagu kordhiyo xabad joojinta, xilli xabad joojintii afarta maalmood ee Jimcihii bilaabatay ay Isniintan ku egtahay.

“Dowladda Qatar waxay ku dhawaaqeysaa, iyada oo qayb ka ah dhexdhexaadinta socda in la gaaray heshiis laba cisho lagu kordhinayo xabad joojinta bani’aadantinimo ee Marinka Gaza.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Dowladaha Qatar, Masar iyo Mareykanka ayaa dadaal badani ku bixiyay, sidii loo kordhin lahaa muddada xabad joojinta, iyadoo la sii wadaayo maxaabiis is weydaarsiga, lana ballaarinayo gargaarka la gaynayo Gaza.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Israel ay ogolaatay heshiiska lagu kordhinayo xabad joojinta, inkastoo Tel Aviv aysan dhankeeda weli xaqiijin.

Madaxweyne Joe Biden ayaa mar sii horreysay sheegay in Washington ay ka sii shaqayn doonto in la ballaariyo muddada xabad joojinta.

Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza ayaa soo dhaweeyay heshiiska.

Ghazi Hamad oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Xamaas ayaa sheegay in heshiiska loo gaaray suurtagalnimada in colaaddda la soo afjaro.

“Waxaan rajeynaya inaan sii kordhin karno illaa aan ka gaarno dhammaadka dagaalkan iyo gardarada lagu hayo dadkeenna Gaza.” Ayuu yiri Sarkaalkan oo Al Jazeera la hadlay.

Ghazi Hamad ayaa yiri “Waxaan u malaynaya inay jirto taageero weyn oo dhanka Dowladaha Qatar & Masar iyo xitaa Dowladaha Reer Galbeedka, waxay rabaan xabad joojinta inay sii socoto.”

Hamad ayaa intaasi ku daray in uu rajeynayo in uu arko Beesha Caalamka oo Israel ku cadaadineysa in ay joojiso buu yiri qabsashadeeda iyo in ay soo afjarto dhibaatada ay ku hayso shacabka Falastiiniyiinta.

Saddexdii maalmood ee ugu horreysay ee xabad joojinta, Xamaas ayaa 39 la haysteyaal Israeliyiin ah ku bedelatay 117 Falastiiniyiin ah, oo Israel ay ka sii deysay xabsiyadeeda

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc