Home Wararka Maanta Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wareejiyay Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka

Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wareejiyay Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka

by Laacib

Guddiga Dib-u-eegista & La socodka Hirgelinta Dastuurka KMG ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta lagu wareejiyay qodobada heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran, ee ay 27-kii bishii May ku gaareen Magaalada Muqdisho.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, marka laga reebo Puntland ayaa xilligaasi ku heshiiyay heshiis wax lagaga bedelayo nidaamka hadda ka jira dalka, dalkana loogu jiheynayo doorasho qof iyo cod ah.

Golaha Wasiirada ayaa Khamiistii ansixiyay jiheynta hannaanka doorashooyinka dalka, looguna wareegayo nidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen, kaas oo meesha ka saaraya nidaamka hadda jira ee Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha, muddo xileedka Madaxweynahana laga dhigay 5 sano, halka uu 4 sano ka ahaa.

Wasiirka Caddaaladda & Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka, Xasan Macalin Maxamuud ayaa qodobada heshiiskaasi ku wareejiyay Gudoomiyaha Guddiga Dib-u-eegista & La socodka Hirgelinta Dastuurka, Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf (Xuseen Iidow) oo uu wehliyo Xoghayaha Guddiga, Senator Siciid Cabdi Xuseen {Cawke}, si loogu bedelo luqad dastuuri ah.

Guddiga ayaa sidoo kale la wareegay heshiisyadii kale ee ay kol hore gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Heshiisyada ay maanta la wareegeen guddigu, si loo geliyo wax ka bedelka dastuurka, iyada oo lala kaashanayo Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista & Hirgelinta Dastuurka ayaa kala ah:-

1.Heshiiska Hannaanka Federaaleynta Garsoorka, December, 2022
2. Astaynta Awoodaha Hay’adaha Dowladda, December, 2022
3. Heshiiska Astaynta iyo Wadaagga Dakhliga, March 2023
4. Heshiiska Qaab Dhismeedka Amniga Qaranka, March 2023
5. Heshiiska Hannaan Doorashooyinka Qaranka, May 2023.

Xildhibaan Xuseen Iidow ayaa geba-gabadii kulankaasi sheegay in Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabannaan ee Dib-eegista & Hirgelinta Dastuurka ay wixii hadda ka dambeeyo taaba-gelin doonaan howlaha dastuuriga ah ee horyaalla.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc