Home Dhacdooyin Hoggaamiyaha Al Shabaab oo markii ugu horreysay ka soo muuqday muuqaal la baahiyay

Hoggaamiyaha Al Shabaab oo markii ugu horreysay ka soo muuqday muuqaal la baahiyay

by Laacib

Hoggaamiyaha Ururka Al Shabaab, Axmed Diiriye Abuu Cubeyda ayaa markii ugu horreysay ka soo muuqday muuqaal lagu baahiyay barraha taageera amaba ku hadla afka ururka.

Amiirka Al Shabaab oo muuqaalka wejigiisa shucaac lagu furay si aan loo aqoonsan ayaa ka qaybgalay shir looga hadlayay wejiga labaad ee hawlgalka ay Dowladda Federaalka ku dooneyso in lagu xoreeyo dhulka ay Shabaabku maamulaan.

Hoggaamiyaha ayaa fadhiyay safka hore ee shirka, isagoo garabka ku haya Saraakiisha sar sare ee ururkaasi, oo uu ugu horreyo Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), Afhayeenka Guud ee Al Shabaab.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay Odayaasha Dhaqanka ee ku nool dhulka ay Al Shabaab ka arrimiso iyo weliba dad ay Shabaabku u arkayeen in ay culimo yihiin. Ma cadda goobta uu shirku ka dhacay.

Al Shabaab ayaa shirkan ka soo saartay bayaan liddi ku ah gulufka uu qorshuhu yahay in lagaga saaro dhulka ay gacanta ku hayaan.

Dadka qaarkii ayaa su’aal ka keenay in qofka wejigiisa la qariyay uu yahay Abuu Cubeyda, waxayse wax kasta kala caddaadeen markii uu ka soo muuqday wareysi gaar ah, oo shirkaasi ka dib uu siiyay garabka Warbaahinta Al Shabaab ee (Al-Kataa’ib), inkastoo wejigiisu uu humaag saarnaa.

Dadka aqoonta u leh ayaa aqoonsaday codkiisa iyo farihiisa, iyagoona xaqiijiyay in ninkaasi uu yahay Abuu Cubeyda.

Muuqaalkan cusub ee uu ka soo muuqday Abuu Cubeyda ayaa imaanaya, xilli Warbaahinta Dowladdu ay dhowr jeer tebisay in ninkaasi uu bukaan la yaal yahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc