Home Wararka Caalamka Hoggaamiyaha RSF-ta Suudaan oo fagaare ka soo muuqday

Hoggaamiyaha RSF-ta Suudaan oo fagaare ka soo muuqday

by Laacib

Hoggaamiyaha Xoogaga Gurmadka Degdegga Suudaan ee RSF, General Mohamed Hamdan Dagalo (Hemedti) ayaa markii ugu horreysay ka soo muuqday goob fagaare ah oo uu kula hadlayay xoogagiisa, tan iyo markii dagaalku uu ka qarxay dalkaasi, 15-kii bishii April.

Hoggaamiyaha ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii ka soo muuqday muuqaal la soo dhigay barta RSF ee Twitter-ka. Muuqaalka ayaa laga arki karay isagoo khudbad u jeedinaya ciidamadiisa, xilli ay ku hareereysan yihiin kuwooda u daacadda ah.

Hoggaamiyahan ayaa shacabka reer Suudaan ka raaligeliyay dagaalka adag ee muddada afarta bilood ku dhow ee ka socda dalka, ee sida weyn u saameeyay dalkaasi.

General Hemedti ayaa Ciidamada Militariga ugu baaqay inay xukunka ka tuuraan ninka ay is hayaan ee General Abdel Fattah al-Burhan, Hoggaamiyaha Golaha Talada Suudaan, si xal degdeg ah loogu helo colaadda dalka.

“Waxaan u sheegaya walaalahayaga Ciidamada Qalabka Sida, haddii aad dooneysaan in xal degdeg ah la helo, waa inaad bedeshaan hoggaankiina, markaas waxaan ku heshiin doonnaa 72 saacadood gudahood.” Ayuu yiri General Hemedti.

Jananka ayaa Hoggaamiyaha Militariga Suudaan ku eedeeyay in uu ku shaqeynayo fekerka waxa uu ku sheegay haraagii taliskii hore ee dalkaasi.

Hemedti oo ahaa Kuxigeenka General Abdel Fattah al-Burhan, ka hor inta aanu dagaalku ka qarxin dalkaasi ayaa la sheegay in dagaalka u dhaxeeya uu ka dhashay, ka dib khilaaf hareeyay qorshe RSF loogu soo dari lahaa Ciidamada Militariga ee dalkaasi.

Dagaalkoodan ayaa imaanaya, iyadoo Beesha Caalamka ay Militariga Suudaan ku cadaadineysay in xukunka ku wareejiyaan rayidka.

Janaraaladan ayaa lagu eedeeyay in ay haadaan ka tuureen dalkaasi, isla-markaana ay laaleen rajadii shacabka ee dimoqraadiyadda.

Labadan janan ee ugu awoodda badan ciidamada dalkaasi ayaa lagu dhalleeceeyaa in ay ka masuul yihiin barakaca saddex milyan oo qof, geerida dhowr kun oo qof iyo dhaawaca kumanaan kale, isla-markaana ay dalkaasi ka dhigeen dalka ugu horreya dunida ee ay ka jiraan dhibaatooyinka bani’aadanimo kuwooda ugu daran.

Iska horimaadyada dhiigga badani ku daatay dalkaasi ee muddada dheer soo jiitamayay, hoggaan xumo, musuq-maasuq, go’doon caalami ah oo daba dheeraaday iyo baylah dhaqaale ayaa Suudaan ka dhigtay dal jilicsan amaba guuldareystay.

Hase yeeshee adkeysiga dadka Suudaan iyo go’aanada ay ku doonayaan in ay ku gaaraan dimoqraadiyad dhab ah ayaa tobanaan sano dalka ka badbaadisay burbur dowladeed iyo fowdo ay natiijadeedu tahay waddo aan laga soo laaban karin.

Beesha Caalamka ayaa u muuqato mid aan dooneyn inay qaaddo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu samatabixin karo dalkaasi.

Xeeldheereyaasha ayaa ka digaya burbur weyn oo mustaqbalka dhow ku soo fool leh Suudaan, taas oo aan cawaaqibkeeda ku koobnaan doonin dadka reer Suudaan oo keliya, balse ay sidoo kale saamayn doonto gobolka oo dhan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc