Home Wararka Maanta Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo warbixin siiyay Golaha Wadatashiga Qaran (SAWIRRO)

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo warbixin siiyay Golaha Wadatashiga Qaran (SAWIRRO)

by Laacib

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa markii ugu horreysay Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirkan oo ay leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka maqan Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii labaad shir guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa warbixin lagaga dhageystay Hoggaamiyaha SSC Khaatumo, kaas oo safar shaqo ku jooga Caasimadda Muqdisho.

“Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo soo bandhigay xaaladaha amni iyo bulsho ee deegaanada SSC ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda adkeynta iyo ilaalinta gobonimada, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, isagoo kulankan uga mahadceliyay Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Villa Somalia.

Shirka oo Talaadadii ka furmay Madaxtooyada Qaranka ayaa looga hadlaya dardargelinta hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo dhameystirka dastuurka.

Fadhigii maanta ayaa waxaa ka qaybgalay Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ah shir ay yeeshaan Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waana shir inta badan looga hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc