Home Wararka Maanta Hoggaamiyaha Xamaas oo Doha kula kulmay Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi

Hoggaamiyaha Xamaas oo Doha kula kulmay Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi

by Laacib

Hoggaamiyaha Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh ayaa maqribnimadii Sabtidii hoyga uu ka degan yahay Magaalada Doha ku booqday Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi oo ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed, si uu uga tacsiyeeyo geerida naxdinta leh ee ku timid wiil uu dhalay sheekha.

Cabdixamiid Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi oo nin dhallinyaro ahaa ayaa Khamiistii ku geeriyooday dalkaasi Qatar.

Hoggaamiyaha Xamaas ayaa Alle uga baryay sheekha iyo xubnaha qoyskaba in samir iyo iimaan uu ka siiyo geerida ku timid marxuum Cabdixamiid, isagiina uu u naxariisto.

Khaled Mashal oo horey u soo noqday Hoggaamiyaha Xamaas ayaa sidoo kale xalay tacsi ugu tegay Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi.

Sheekh Cabdirashiid ayaa siyaasiyiinta reer Falastiin kaga mahadceliyay tacsida ay ugu yimaadeen.

Xamaas waa ururka ugu weyn kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ee dagaalka kula jira Ciidamada Israel ee ku soo duulay Marinka Gaza.

Xamaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta ayaa lagu tilmaamaa dhaqdhaqaaq gobanimo doon ah, oo u dagaalama xoreynta dadka Falastiiniyiinta iyo dhulkooda xoogga looga haysto.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc