Home Wararka Caalamka Hoggaamiyaha Xisbullah oo sheegay in Israel ay sameysay xadgudub aan laga aamusi karin

Hoggaamiyaha Xisbullah oo sheegay in Israel ay sameysay xadgudub aan laga aamusi karin

by Laacib

Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah ayaa wacad ku maray in ay u aargudi doonaan dilkii Israel ay dalka Lubnaan ugu gaysatay Kuxigeenkii Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Ururka Xamaas, Saleh al-Arouri.

Ninkan iyo lix xubnood oo kale oo ka tirsan Saraakiisha iyo Xoogaga Garabka Militariga Xamaas ee Al-Qassam ayaa Talaadadii lagu dilay duqayn ay diyaarad drone ahayd ka fulisay koonfurta Magaalada Beyruut.

Xubnaha lala dilay Arouri ayaa kala ah Samir Findi iyo Azzam al-Aqraa oo ka tirsanaa Saraakiisha Al-Qassam iyo dagaal-yahano kale oo lagu kala magacaabi jiray Mahmoud Zaki Shahin, Mohammad Bashasha, Mohammad al-Rayes iyo Mohammad Hamoud.

Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah ee ka arrimiya koonfurta Lubnaan ayaa sheegay in shirqoolkii lagu dilay Arouri ay Xisbullah ku riixeyso in ay ka falceliso, maadaama sida uu sheegay si aan laga fiirsan ay Israel weerarkaasi uga gaysatay Caasimadda Beyruut.

“Waa lama huraan inaan ka jawaabno, kama aamusi karno xadgudubka baxaddan leh, sababtoo ah waxay la macno tahay in Lubnaan oo dhan la soo weeraray.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Xisbullah oo Jimcihii jeediyay khudbad la wada sugayay.

Hoggaamiyaha ayaa yiri “Waxaa jiri doonta jawaab iyo ciqaab. Go’aanka hadda wuxuu ku jiraa gacanta goobta dagaalka.”

Hassan Nasrallah ayaa sheegaya in ciidamadooda ku sugan xuduudda ay diyaar u yihiin in ay ka bixiyaan jawaabta ugu habboon dhagarta lagu qaarajiyay Arouri oo Khamiistii lagu aasay Beyruut.

Arouri ayaa noqonaya Sarkaalkii ugu sarreyay ee ka tirsan Xamaas ee la dilo, tan iyo markii ay colaadda dib uga dhex qarxay Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel.

Hassan Nasrallah ayaa tilmaamay in duqayntan ay noqoneyso tii ugu horreysay ay Israel ka gaysato Beyruut, tan iyo dagaalkii Lubnaan iyo Israel dhex maray sanadkii 2006-dii.

“Kama aamusi karno xadgudubka intaan le’eg ee khatarta ah, maxaa yeelay tani waxay keeni kartaa in dhammaan dadkeenna lagu bartilmaameedsado magaalooyinka iyo tuulooyinka dalkeenna.” Ayuu yiri Hassan Nasrallah.

Raysal Wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati ayaa mar sii horreysay si kulul u cambaareeyay weerarka abaabulan ee ay Israel ku dishay Hoggaamiye Kuxigeenkii Xamaas.

Raysal Wasaaraha ayaa dilka Arouri ku tilmaamay dembi cusub oo Israel ay gaysatay, isla-markaana ay iska caddahay sida uu yiri inay haadaan ka sii tureyso gobolka, oo khatarna ay u horseedeyso.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres oo ka walaacsan xaaladda ka sii dareysa ee ka jirta gobolka ayaa dhammaan dhinacyada ugu baaqay in ay is dejiyaan, xiisaddana ay dejiyaan.

Xaaladda Bariga Dhexe ayaa waxaa muuqata in maalinba maalinta ka dambeysa ay faraha ka sii baxeyso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc