Home Wararka Caalamka Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta oo ku hanjabay in weeraro aan la arag ka bilaabi doonaan badda

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta oo ku hanjabay in weeraro aan la arag ka bilaabi doonaan badda

by Laacib

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al-Houthi ayaa ku hanjabay in ay wax la yaab leh ka samayn doonaan marin biyoodyada Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badda Carabta, weeraradooda maraakiibtana ay noqon doonaan wax aan la xakameyn karin.

Hoggaamiyaha oo u muuqday mid ka careysan dhacdadii shalay Ciidamada Israel ka gaysteen Marinka Gaza, kuna dileen 112 qof oo shacab ah oo raashiin sugayay, ku dhawaad 800 oo kalena ay ku dhaawaceen ayaa sheegay in hawlgaladooda maraakiibta ay noqon doonaan wax aanay cidina maleysan karin.

“Waxaan ballanqaadaya in weeraro badan oo militari oo la yaab leh aan ka samayn doono Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badda Carabta. Cid kasta ayayna lama filaan ku noqon doontaa.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha oo warkan ku sheegay khudbad laga sii daayay telefishinka afka Xuuthiyiinta ku hadla ee Al-Masirah.

Waxa kaloo uu yiri “Hawlgalada ka socda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa ah kuwo aanu ku taageerayno shacabka Falastiin, waana hawlgalo lagu hubinayo in dalna aanu ka qayb qaadan gardarrada Sahyuuniyadda ee ka dhanka ah dadka Gaza.”

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen ayaa soo cusbooneysiiyay hanjabaaddiisa ah in ay bartilmaameed sharci ah sii ahaan doonaan maraakiibta laga leeyahay dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, haddii Washington iyo London ay Israel ku gacan siinayaan weeraradeeda aan kala sooca lahayn ee ka sii socda Marinka Gaza.

“Cadowga Mareykanka iyo Ingiriiska dharbaaxo xanuun badan ayay kala kulmeen Ciidamada Qalabka Sida ee Yemen, markii ay ku soo gardarroodeen dalkeenna. Weerarada cirka ee Mareykanka iyo Ingiriiska ka wadaan Caasimadda Sanca wax saamayn ah naguma yeelan, mana ku yeelan doonto awooddeenna ciidan.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha.

Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa 12-kii bishii January bilaabay in ay dalka Yemen ka fuliyaan bartilmaameedyo ka dhan ah Xuuthiyiinta, si loo joojiyo weeraradooda maraakiibta, balse kuma aysan guuleysan in ay hakiyaan weeraradaasi.

“Mareykanku hadda waxa ay qirayaan in ay ku guuldareysteen in ay gaaraan hadafkoodii gardarrada ahaa ee ay ka lahaayeen dalkeenna, wayna la yaaban yihiin xooggayaga.” Ayuu yiri sii raaciyay Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta.

Abdul-Malik Al-Houthi, Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen ayaa xusay in xoogagooda ay beegsadeen in ka badn 54 markab, oo isugu jira kuwa booyadaha shidaalka iyo kuwa kunteenarada ganacsiga, iyadoo wadar ahaan loo adeegsaday buu yiri 384 gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

“Hadda waxaa naadir ah in markab ku sii jeeda dekedaha xoogga looga haysto Falastiin ama cadowgu uu leeyahay uu soo maro Bab al-Mandeb.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha oo intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan hawlgalada ay ku go’doominayaan Dekedaha Israel, inta ay si rasmi ah uga soo afjareyso xasuuqeeda Gaza iyo is hortaagga ay ku heyso gargaarka bani’aadantinimo.

Al-Houthi ayaa ugu dambayn sheegay in isbahaysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ay qaadi doonaan masuuliyadda xiisadda sii kordheysa ee ka jirta marinka maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee Bab al-Mandeb ee isku xira Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

“Ciidamadeennu waxay sii wadi doonaan weerarada iyo quusta maraakiibta Mareykanka iyo Ingiriiska, iyaga ayaana ah kuwa wiiqaya isu socodka caalamiga ah.” Ayuu yiri Al-Houthi oo tilmaamay in dalalka aan bartilmaameedka ahayn ay maraakiibtooda si xor ah u mari karaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Xuuthiyiinta ayaa tan iyo bartamihii bishii January weerarayay maraakiibta laga leeyahay Mareykanka iyo Ingiriiska, iyagoo ka falcelinaya duqaymaha ay ka gaysanayaan dalka Yemen, tanina waxay xaalad hubinti la’aan ah ka abuurtay marinada maraakiibta.

Xiisadda ayaa ah mid marba marka ka dambeyso ka sii dareysa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc