Home Wararka Caalamka Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta oo ku hanjabay inay garaaci doonaan maraakiibta Mareykanka

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta oo ku hanjabay inay garaaci doonaan maraakiibta Mareykanka

by Laacib

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al-Houthi ayaa Mareykanka uga digay in ay bartilmaameed noqon doonaan maraakiibtiisa ku sugan Xeebaha Bariga Dhexe, haddii isbahaysiga cusub ee Mareykanka uu hoggaaminayo ay weeraro ka gaystaan dalka Yemen.

Hoggaamiyaha ayaa sheegay in Xoogaga Xuuthiyiinta ay diyaar u yihiin in ay ka aargutaan Mareykanka, haddii Washington ay qaaddo dagaal ka dhan ah maleeshiyada ay Iran taageerto.

“Gacmaha kama laaban doono, haddii Mareykanka ay sameeyaan nacasnimo ay ku beegsanayaan dalkeenna ama dagaal ka dhan ah.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha oo warkan ku sheegay khudbad laga sii daayay telefishinka afka Xuuthiyiinta ku hadla ee Al-Masirah TV.

“Haddii Mareykanku uu na bartilmaameedsado, waxaan markaasi ka aargoosan doonnaa maraakiibta dagaalka iyo danaha Mareykanka ee gobolka, oo aan la beegsan doono gantaaladayada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo hawlgalada militari.” Ayuu yiri Hoggaamiyuhu.

Waxa uu sheegay in Mareykanka uu haysto waqti uu hadda kaga fogaan karo in uu weeraro dalka Yemen, taas oo cawaaqib daran u horseedi doonta.

“Weerar kasta oo dalkayaga uga yimaada Mareykanka, annagana waan bartilmaameedsan doonnaa, waxaana ka dhigi doonnaa maraakiibta dagaalka, danaha iyo marin-hagaha Mareykanka bartilmaameedka gantaaladayada.” Ayuu yiri Abdul-Malik Al-Houthi, Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta.

Hoggaamiyaha ayaa intaasi ku daray “Illaa inta uu Mareykanku doonayo in ay nala galaan dagaal toos ah, waa in ay ogaadaan in aanan ahayn kuwa iyaga ka cabsada.”

Mareykanka ayaa Isniintii ku dhawaaqay isbahaysi caalami ah oo ka kooban 10 dal, oo sida la sheegay la dagaalami doona weerarada Xuuthiyiinta ee maraakiibta ganacsiga ee adeegsata Badda Cas.

Wasiirka Difaaca Mareykanka, Mareykanka, Lloyd Austin ayaa Talaadadii sheegay in weerarada Xuuthiyiinta ay halis ku yihiin mid ka mid ah marinada ugu muhiimsan ee ganacsiga caalamiga ah.

Xuuthiyiinta ayaa 9-kii bishan ku dhawaaqay in ay go’doominayaan Dekedaha Israel, ka dib markii ay Tel Aviv ku eedeeyeen in ay xasuuq ka waddo Marinka Gaza.

Xuuthiyiinta ayaa sare u qaaday weerarada ay ku qaadayaan maraakiibta ganacsi ee xiriirka la leh Israel ee mara Badda Cas iyo Badda Carabta.

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa dalbanaya in Israel ay joojiso duulaankeeda Gaza, isla-markaana ay dadka rayidka ah u ogolaato kaalmada bani’aadantinimo ee ay aadka ugu baahan yihiin, taas oo ay ku sheegeen tan keliya ee ay weeraradooda ku joojin karaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc