Home Wararka Caalamka Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta “Wax kasta ha sheegaan, ma joojin doono weerarada maraakiibta”

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta “Wax kasta ha sheegaan, ma joojin doono weerarada maraakiibta”

by Laacib

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al-Houthi ayaa sheegay inaanay iyagu khuseyn hanjabaadaha ka soo yeeraya isbahaysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ee bartamihii bishii December loo aasaasay in ay ka hortaggaan weerarada Xoogaga Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsi ee adeegsata Badda Cas, kuna sii jeeda Dekedaha Israel.

Waxa uu sheegay wax kasta oo ay sheegaan isbahaysiga Mareykanka inaanay joojin doonin hawlgalkooda militari ee ay ku go’doominayaan Dekedaha Israel.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta ayaa wacad ku maray inaysan jawaab la’aan noqon doonin weerarkii Mareykanka uu Axaddii ku dilay 10 ka mid ah dagaal-yahanadooda, kuna burburiyay saddex doomood oo ay wateen.

“Ciidamadeennii la dilay ma noqon doonaan kuwo dhiigooda uu meel cidlo ah ku daatay, weerarka loogu gaystay Badda Cas-na ma noqon doono ciqaab la’aan.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa xilligaasi sheegay in diyaaradahooda nooca qumaatiga u kaca ay quusiyeen saddex doomood, ka dib markii raggii la socday sida ay sheegeen ay rasaas ku fureen markab ay leeyihiin Ciidamada Badda Mareykanka.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta oo bayaan uu xalay soo saaray kaga jawaabayay warka ka soo yeeray Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanka iyo Israel ay ku khaldanaayeen weerarkaasi.

“Mareykanka iyo Maamulka Sahyuuniyadda, waxa ay sameeyeen nacasnimadooda inay bartilmaameedsadaan koox ka mid ah geesiyaasha Ciidamadeenna Badda, oo gudanayay waajibaadkooda muqadaska ah ee Badda Cas, si qiyaano iyo gardarro ah ayayna u weerareen.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta.

Abdul-Malik Al-Houthi, Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen ayaa taageereyaashiisa ku booriyay in Jimcahan ay isugu soo baxaan Caasimadda Sanca iyo dhowr gobol oo kale oo dalkaasi ku yaala, si ay u garab istaaggaan hawlgalka militari ee ay ku difaacayaan dadka reer Gaza.

“Mallaayiin qof ayaa u soo bixi doona, si ay ugu dhawaaqaan adduunka oo dhan in dadkeennu aysan ka laaban mowqifkooda ku saleysan caqiidada, oo aysan u hoggaansamin kuwa isla weyn.” Ayuu yiri Abdul-Malik Al-Houthi.

Xuuthiyiinta ayaa 9-kii December ku dhawaaqay inay go’doominayaan Dekedaha Israel, taas oo jawaab u ah weerarada arxanka daran ee Israel ka waddo Marinka Gaza iyo cunaqabateynta ay ku hayso dadka rayidka ah.

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa tan iyo xilligaasi beegsanayay maraakiibta ganacsiga ee ku sii jeeda dekedahaasi iyo kuwa kale ee laga leeyahay Israel. Weeraradan ayaa saamayn weyn oo dhaqaale ku yeeshay ganacsigii wax soo dejinta iyo dhoofinta ee Dekedaha Israel

Weerarada Xuuthiyiinta ayaa shirkadaha qaar ee maraakiibta ku khasbay in ay maraakiibtooda ka weeciyaan Badda Cas, una wareegaan cirifka koonfureed ee Qaaradda Afrika, oo ah waddo uu kharashkeedu badan yahay.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa sheegay inay sii wadi doonaan weerarada, illaa iyo inta Israel ay ka joojineyso duulaankeeda Gaza, isla-markaana ay dadka rayidka ah uga ogolaaneyso kaalmada bani’aadantinimo ee ay sida weyn ugu baahan yihiin.

Xuuthiyiinta ayaa ka arrimiya inta badan dalka Yemen, oo ay ku jirto Caasimadda Sanca.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc