Home Dhacdooyin Hoggaamiye Kuxigeenkii Xamaas oo lagu dilay weerar ka dhacay dalka Lubnaan (SAWIRRO)

Hoggaamiye Kuxigeenkii Xamaas oo lagu dilay weerar ka dhacay dalka Lubnaan (SAWIRRO)

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa hawlgal qorsheysan ku dilay Kuxigeenkii Hoggaamiyaha Ururka Xamaas, ka dib weerar xagga cirka ah oo xalay ka dhacay dalka Lubnaan.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegtay in Saleh al-Arouri lagu dilay weerar ay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Ciidamada Israel ka gaysatay koonfurta Caasimadda Beyruut.

Ugu yaraan lix qof oo kale ayaa ku dhintay goobta uu weerarku ka dhacay, sida ay sheegeen goobjoogeyaasha.

Muuqaalo lagu baahiyay barraha bulshada ayaa muujinaya burbur xoogan oo soo gaaray dhismayaal iyo baabuur gubaneysa, meel aad u mashquul badan.

Weerarka ayaa ka dhacay xaafadda Dahieh, oo ay ku xoogan yihiin Xoogaga Xisbullah ee ka arrimiya koonfurta dalka Lubnaan, waana cadowga Israel iyo xulafada Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza.

Izzat al-Risheq oo xubin ka ah Hoggaanka Siyaasadda ee Xamaas ayaa dilka Arouri ku tilmaamay dil fuleynimo ah, sida uu u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari oo xalay shir jaraa’id kaga hadlayay dagaalka ka socda Gaza, Wariyeyaashana ay wax ka weydiiyeen dilka Arouri ayaa diiday in uu ka hadlo.

“Ciidanku waxa uu ku sugan yahay xaalad aad u sarreysa oo diyaargarow ah oo dhan walba leh, difaac iyo weerarba. Waxaan si buuxda ugu diyaargarownay xaalad kasta.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray “Waxa ugu muhiimsan ee ay tahay inaan caawa ka faalloono ayaa ah inaan diiradda saarno la dagaalanka Xamaas.”

Danny Danon oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Israel ee Xisbiga Likud ayaase Ciidamada Israel ugu hambalyeeyay shirqoolka ay ku dileen Arouri.

Arouri ayaa noqonaya Sarkaalkii ugu sarreyay ee ka tirsan Xamaas ee la dilo, tan iyo markii ay colaaddan dib uga dhex qarxay Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel.

Ka dib weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho, Sirdoonka Israel ayaa ku hanjabay in ay meel kasta oo dunida ah ku beegsan doonaan Madaxda Xamaas, gaar ahaan dalalka Qatar, Lubnaan iyo Turkiga.

Weerarka lagu dilay Arouri ayaa imaanaya, xilli Talaadadii ay Ciidamada Turkiga gacanta ku dhigeen 33 qof, oo lala xiriiriyay Hay’adda Sirdoonka Israel ee Mossad, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay maleygayeen weeraro ay gudaha Turkiga ugu gaystaan dadka ajnabiga ah, oo loola jeedo masuuliyiinta Xamaas ee Turkigu uu magangelyada siiyay.

Khubarada amniga ayaa sheegaya in dilka Arouri uu sii hurin doono colaadda ka oogan Bariga Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc