Home Wararka Caalamka Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub oo ka arrinsanaya xiisadda Bariga Dhexe

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub oo ka arrinsanaya xiisadda Bariga Dhexe

by Laacib

Hogaamiyayaasha wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta ay ku kulmaan Magaalada Brussels, si ay uga wada hadlaan colaadda dib uga soo dhex cusboonaatay Falastiiniyiinta iyo Israel.

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa maalmihii ugu dambeysay ku kala qaybsamay colaaddan, iyagoo haatan isku dayaya in ay mowqif mideysan ka qaataan rabshadaha labada dhinac.

Warbaahinta Reer Galbeedka ayaa sheegeysa in hoggaamiyeyaashu ay geba-gabada kulankooda ku baaqi doonaan in gargaarka bani’aadantinimo si macno leh loogu ogolaado Marinka Gaza.

Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub, Charles Michel ayaa goor sii horreysay sheegay in xaaladda bani’aadantinimo ee ka sii dareysa ee Gaza ay tahay mid aad looga walaaco.

“Madaxda Midowga Yurub waxay aad u daneynayaan in la fududeeyo helitaanka cuntada, biyaha, shidaalka, hoy iyo daryeel kaloo caafimaad.” Ayuu yiri Charles Michel.

Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale kulankoodan kaga hadlaya taageerada ay siiyaan Ukraine, miisaaniyadda Midowga Yurub, dhaqaalaha iyo tahriibka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc