Home Wararka Caalamka Hoggaamiyeyaasha NATO oo ka careysiiyay Madaxweynaha Ukraine

Hoggaamiyeyaasha NATO oo ka careysiiyay Madaxweynaha Ukraine

by Laacib

Hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah Gaashaanbuurta NATO ayaa si adag uga horyimid dalabka Ukraine ee ku biiritaanka dalalka isbahaysiga.

Hoggaamiyeyaasha NATO oo maalintii labaad uu shir uga socdo Magaalada Vilnius ee dalka Lithuania ayaa is hortaagay in la muddeeyo xilliga Dowladda Ukraine ay si rasmi ah ugu soo biiri karto xulafada.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa si adag u dhalleeceeyay diidmada Hoggaamiyeyaasha NATO ee muujiyay inaanan la joogin, xilligii dowladdiisa ay ka mid noqon laheyd isbahaysiga militari.

Madaxweynaha oo ka hadlayay shirka Caasimadda Vilnius ayaa wax aan macquul ahayn ku sheegay in dib loo dhigo jadwaleynta waqtiga Kyiv ay ka mid noqoneyso bahwadaagta.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa hubinti la’aantooda ku sheegay mid ka tarjumeysa daciifnimo, iyagoo ka dheregsan in Ruushku uu si gardaro leh ugu soo duulay Ukraine.

Xoghayaha Guud ee NATO, Jens Stoltenberg oo hadlayay ka dib dhalleeceynta Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in Ukraine ay ka mid noqon doonto NATO, marka madaxda ay ka heshiiyaan, shuruudahana la dhameystiro.

Xoghayaha ayaa caddeeyay in Kyiv aanay xubin ka noqon karin isbahaysiga, inta ay dagaal kula jirto Ruushka.

Zelenskyy ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in waqti la’aanta la isku afgartay ay la macno tahay in xubinimada dalkiisa ay ugu dambayntii noqon karto heshiis gorgortan ah.

Hoggaamiyaha Ukraine ayaa doonaya in NATO uu ka helo ballanqaad ah in dalkiisu uu si dhakhsi ah ugu soo biiri karo xulafada, marka uu dagaalku dhammaado.

Hoggaamiyeyaasha NATO ayaa garowsan in Ruushku uu colaad hor leh u qaadi doono, haddii ay Ukraine ku soo martiqaadaan xubinimadeeda xulafada.

Hoggaamiyeyaaasha ayaase sii wadi doona taageerada militari ee ay Ukraine siiyaan, si ay isaga caabiso waxa ay u arkaan gardarada Ruushka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc