Home Wararka Maanta Horjooge Shabaab oo isu soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Shabaab oo isu soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

by Laacib

Ninkan oo lagu magacaabo Mukhtaar Maxamed Isxaaq (Rabaani) ayaa maanta isu soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee fadhigoodu yahay deegaanka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay.

Goofgaduud Buurey oo 30km dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Baydhabo ayaa waxaa degan Ururka 46aad, Guutada 8aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in Mukhtaar Rabaani uu hadda ahaa Madaxii Jabhadda Al Shabaab ee Gobolka Bakool.

Ninkan ayaa la sheegay in uu tababar ku soo qaatay Degmada Kurtunwaarey ee Gobolka Shabellaha Hoose, uuna ka soo qayb qaatay dagaalo badan oo Shabaabku ay meelo kala duwan ka gaysteen.

Mukhtaar Rabaani ayaa ummadda Soomaaliyeed ka codsaday in ay iska cafiyaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc