Home Wararka Caalamka Ingiriiska iyo Mareykanka oo duqayn culus ka fuliyay dalka Yemen

Ingiriiska iyo Mareykanka oo duqayn culus ka fuliyay dalka Yemen

by Laacib

Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa mar kale iska kaashaday weeraro xagga cirka ah, oo ay si wadajir ah uga fuliyeen goobaha ay maamulaan Xuuthiyiinta Yemen.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee labada dal ay xalay garaaceen bartilmaameedyo ay leeyihiin Xoogaga Xuuthiyiinta.

Wasaaradda ayaa bayaan ku sheegtay in la bartilmaameedsaday kaydadka hubka, goobaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo kuwa qumaatiga u kaca ee Xuuthiyiinta Yemen.

Ingiriiska ayaa dhankiisa sheegay in la weeraray 18 goobood oo ay leeyihiin Xuuthiyiinta, iyadoo meelaha la beegsaday ay ku jiraan hubka ugu kaydsan dhulka hoostiisa, xarumaha lagu kaydiyo gantaalada, nidaamka difaaca hawada, raadaarada iyo diyaaradaha helicopterada.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa sheegay in la duqeeyay in ka badan 12 goobood oo ay ku leeyihiin dalkaasi.

Hawlgalkan ayaa noqonaya kiisii afaraad oo ay si wadajira isaga kaashadaan Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska, oo tan iyo 12-kii bishii January duqaymo ku hayay Xuuthiyiinta.

Marka laga soo taggo tallaabada wadajir ah, Mareykanka ayaa si maalinle ah u qaadayay duqaymo ka dhan ah Xuuthiyiinta, si loo joojiyo weerarada ay ku hayaan maraakiibta mareysa Badda Cas.

Weerarada militari ee isbahaysiga Mareykanka ayaan hakin weerarada Xuuthiyiinta, marka aad eegto in dhowrkii toddobaad ee ugu dambeysay ay ballaariyeen hawlgaladooda Badda Cas.

Weerarada Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ayaa jawaab u ah duulaanka Israel ee Marinka Gaza.

Xuuthiyiinta ayaa isku dayaya in ay sii wadaan go’doominta ay ku hayaan Dekedaha Israel, si Tel Aviv loogu khasbo joojinta weeraradeeda arxandarrada ee ka dhanka ah dadka rayidka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc