Home Wararka Caalamka Ingiriiska oo Israel ka dalbaday inaysan weerarin Rafah

Ingiriiska oo Israel ka dalbaday inaysan weerarin Rafah

by Laacib

Dowladda Ingiriiska ayaa Israel ugu yeertay inaanay weerar dhinaca dhulka ah ku qaadin deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, halkaas oo gabaad ay ka dhiganayaan inta badan dadkii laga soo barakaciyay guryahooda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain, David Cameron ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay weerarka militari ee la qorsheeyay ee ay Israel ku qaadeydo Rafah, oo ku taala xadka Gaza iyo Masar.

Wasiirka ayaa sheegay in in ka badan kala bar dadka reer Gaza ay gabaad ka dhigteen Rafah, isla-markaana aan loo baahnayn in halis la geliyo nolosha dadkaasi.

Waxa uu ku baaqay in si degdeg ahi loo joojiyo colaadda Gaza, si gargaar macno leh loo gaarsiiyo dadka rayidka ah, lana soo samatabixiyo la haysteyaasha, ka dibna la horumariyo xabad joojinta oo ay noqoto mid joogto ah.

“Dagaalku waa inuu hadda joogsadaa. Waxaan u baahanahay xabad joojin waarta.” Ayuu yiri Wasiir Cameron.

Cameron ayaa yiri “1.4 milyan oo Falastiiniyiin ah oo barakacay ayaa ku sugan Rafah, oo aan lahayn meel ay aadaan, waana albaabka gargaarka Gaza. Weerar ay Israel halkaas ku soo qaado waxay noqon doontaa masiibo. Dad aad u badan oo rayid ah ayaa horey loo dilay ama la dhaawacay.”

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa dhankeeda ka digtay saamayn bani’aadantinimo oo aad u daran, haddii Israel ay weerarto deegaanka Rafah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa uga digtay Tel Aviv inay ku duusho Rafah, oo ay ku barakaceen in ka badan hal milyan oo qof oo dadka deegaanka ah.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in boqolkiiba shan iyo sideetan (85%) dadka Gaza ay ku barakaceen weerarada Israel, halka lixdan boqolkiiba (60%) dhismayaashii la deganaa la burburiyay.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dadka buuxdhaafiyay Rafah ay haysato cunto yari ba’an iyo biyo la’aan.

António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in duulaanka Israel ee Rafah uu kaga sii dari doono xaaladda bani’aadantinimo ee Marinka Gaza.

Iyadoo in ku dhow hal milyan iyo bar oo Falastiiniyiin ah ay ku sugan yihiin Rafah, waxaa jirta cabsi laga qabo in duulaanka qorsheysan ee Israel ay ku qaadayso dhulka ciriiriga ah uu cawaaqib xun ku yeelan doono dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Ingiriiska waa dalka labaad ee taageerada ugu badan siiya Israel, marka laga soo taggo Mareykanka.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku adkeysanaya in ciidamadiisu ay weerari doonaan Rafah.

Ugu yaraan 28,176 qof ayaa ku dhintay weerarada sii socda ee ay Israel ka waddo Marinka Gaza, halka ay ku dhaawacmeen 67,784 kale, sida Wasaaradda Caafimaadka Gaza ay Axaddii sheegtay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc