Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain, David Cameron ayaa walaac xoogan ka muujiyay xiisadda ka sii dareysa ee ka jirta Bariga Dhexe.
Wasiirka ayaa sheegay in colaadda Gaza, xuduudda Lubnaan & Israel iyo tan Badda Cas ay kordhin doonto heerka aadka u sarreya buu yiri ee khatarta iyo amni-darrada adduunka.
Wasiirka oo Khamiistii gaaray dalka Lubnaan ayaa la kulmay Raysal Wasaare Najib Mikati, kaas oo uu kala hadlay, sidii looga horaggi lahaa in colaadda ay ku baahdo gobolka intiisa kale.
David Cameron, Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain ayaa sheegay in colaadda gobolka ay khatar dhab ah ku tahay dunida inteeda kale, loona baahan yahay in xiisadda la qaboojiyo.
Wasiirka ayaa Caasimadda Beyruut ka degay, xilli Ciidamada Israel ay duqayn xoogan ka gaysanayeen deegaanada dhaca xadka koonfureed ee dalkaasi Lubnaan.
Duulaanka Israel ee Gaza ee ay dadka badani ku dhimanayaan ayaa sii hurisay walaaca xoogan ee laga qabo khatarta ka dhalan karta weerarada baahsan ee Israel iyo saamaynta ay ku yeelan karto gobolka iyo guud ahaanba dunida.
Dembiyada dagaal ee Israel ka gaysaneyso magaalada 16-ka sano go’doonsan ee Gaza ayay Tel Aviv meelo badan oo dunida ah kala kulantay cambaareyn xoog leh.
Raysal Wasaarihii hore ee Britain, David Cameron ayaa Bariga Dhexe u jooga dadaalo diblomaasiyadeed, oo uu isugu dayayo in hoos loo dhigo xiisadda aadka u sarreysa ee gobolka.