Home Wararka Caalamka Ingiriiska oo lagu khasbay in markab dagaal uu dib uga celiyo Badda Cas

Ingiriiska oo lagu khasbay in markab dagaal uu dib uga celiyo Badda Cas

by Laacib

Taliska Ciidamada Badda Ingiriiska ayay khasab ku noqotay in mid ka mid ah maraakiibtooda wax burburiya ay ka saaraan hawlgalka Badda Cas ee lagu la dagaalamayo weerarada Xuuthiyiinta Yemen.

Markabka dagaal ee HMS Diamond ayaa la sheegay in uu u baahan yahay dayactir degdeg ah, ka dib saddex weerar oo ay gaysteen Xuuthiyiinta Yemen.

Wasaaradda Difaaca Ingiriiska ayaa sheegtay in markabka lagu soo samayn doono dayactir iyo qalabaynba.

Markabka ayay Ingiriisku sheegeen in uu ka qayb qaatay hawlgalo muhiim ah oo Mareykanka uu horkacayay, oo ay ku jirto iska caabinta weerarkii ugu weynaa ee bishii January kaga yimid Xuuthiyiinta Yemen, kaas oo ay Xuuthiyiintu u adeegsadeen gantaalaha lidka maraakiibta iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee iskood is wada.

Wasaaradda Difaaca Ingiriiska ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in markabku uu sidoo kale ka hortegay weeraro ay si gaar ah Xuuthiyiinta ugu soo qaadeen, isaga oo adeegsanaya gantaalihiisa difaaca ee Sea Viper iyo hub kaloo casri ah.

Bayaanka laguma sheegin inta uu le’egyahay khasaaraha amaba dhaawaca markabka ka soo gaaray weeraradaasi.

Markabkan oo Badda Cas u joogay ilaalinta maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ayaan la aqoon muddada ay qaadan doonto dayactirkiisa iyo goorta uu dib ugu soo laaban doono hawlgalkii uu ku xaqiijinayay badqabka shixnadaha maraakiibta.

Dhanka kale markabka HMS Richmond oo ah nooca wax burburiya ayaa hadda la wareegaya hawlgalkii uu markabka HMS Diamond ka waday Badda Cas.

Wasiirka Difaaca Ingiriiska, Grant Shapps ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in markabkan dagaal uu buuxin doono booska uu banneeyay markabkoodaasi kale.

“Waxaan ku kalsoonahay in markabka HMS Richmond uu sii wadi doono shaqadii cajiibka ahayd ee HMS Diamond.” Ayuu yiri Wasiirku.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al-Houthi ayaa Arbacadii ku hanjabay in ay xoojin doonaan hawlgalada militari ee Badda Cas, haddii aan si degdeg ah loo soo afjarin gardarada Israel ee Gaza.

Xuuthiyiinta ayaa weeraradooda Badda Cas garab istaag ugu muujinaya shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc