Home Wararka Caalamka Iran iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay gumaadka lagu hayo dadka reer Falastiin

Iran iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay gumaadka lagu hayo dadka reer Falastiin

by Laacib

Warbaahinta labada dal ayaa sheegeysa in hoggaamiyeyaasha dalalkaasi ay ka wada hadleen rabshadaha ka soo dhex cusboonaaday Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel.

Madaxweyne Ebrahim Raisi iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin Salman ayaa si dhow uga wada hadlay xiisadda gobolka, waana markii ugu horreysay oo khadka teleefanka ay ku wada hadlaan, tan iyo markii Tehran iyo Riyadh ay dib u soo celiyeen xiriirkooda.

Labada hoggaamiye ayaa saacadihii dambe ee Arbacadii ka wada hadlay baahida loo qabo in la soo afjaro dembiyada dagaal ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta.

Mohammad Jamshidi oo ah La taliyaha Arrimaha Siyaasadda ee Madaxweynaha Iran ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha ay fahamsan yihiin taageerada weyn ee Mareykanka ee Israel in ay Israel u horseedi doonto amni darro iyo burbur.

“Midnimada Islaamka waa la adkeeyay, waxayna labadooduba rumeysan yihiin dembiyada taliska iyo taageerada tooska ah ee Mareykanka in ay maamulka iyo taageereyaashiisaba u horseedi doonaan nabadgelyo darro iyo burbur.” Ayuu yiri Mohammad Jamshidi.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in Mohammed bin Salman uu ku nuuxnuuxsaday, sida loogu baahan yahay in loo hoggaansamo shuruucda caalamiga ah, isla-markaana uu walaac xoogan ka muujiyay xaaladda bani’aadantinimada ee Gaza iyo saameynta uu duulaanka Israel ku yeeshay dadka rayidka ah.

“Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in boqortooyada ay ku bixineyso dadaalka ugu badan, iyadoo la kaashaneysa dhammaanba dhinacyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, si loo joojiyo xiisadda taagan.” Ayay ku warantay SPA.

Sacuudiga iyo Iran oo ka mid ah dowladaha ugu waaweyn ee Bariga Dhexe ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda diblomaasiyadeed bishii March, ka dib heshiis uu Shiinuhu garwadeen ka ahaa.

Heshiiskan ayaa soo afjaray xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal oo go’naa, tan iyo sanadkii 2016, ka gadaal markii dibadbaxayaal careysan ay dab qabadsiiyeen Xarunta Safaaradda Sacuudiga ee Tehran.

Wada hadalka labada hoggaamiye ayaa imaanaya, iyadoo Israel ay xoojisay weerarada dhanka cirka ay ka gaysaneyso Gaza, ka dib weerarkii dhimashada badan sababay ee Xamaas Sabtidii ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc