Home Dhacdooyin Iran oo shaacisay magacyada saraakiisheeda lagu laayay dalka Suuriya (SAWIRRO)

Iran oo shaacisay magacyada saraakiisheeda lagu laayay dalka Suuriya (SAWIRRO)

by Laacib

Taliska Ilaalada Kacaanka Iran ayaa xaqiijiyay in 5 ka mid ah saraakiishooda lagu dilay duqayn maanta ka dhacday caasimadda dalka Suuriya ee Damascus.

War ka soo baxay Taliska Ilaalada Kacaanka ayaa lagu sheegay in saraakiisha la dilay, oo dhammaantood la taliyeyaal ahaa lagu dilay weerar xagga cirka ah oo diyaaradaha dagaalka Israel ka gaysteen dhisme ay ku sugnaayeen.

Taliska ayaa bilowgiiba sheegay in weerarka lagu dilay afar ka mid ah la taliyeyaashooda iyo tiro ka mid ah Ciidamada Suuriya, balse taliska ayaa dib ka xaqiijiyay in sarkaal 5aad uu u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray duqaynta.

Taliska ayaa magacyada saraakiisha reer Iran ee la dilay ku kala sheegay Hojjatollah Omidvar, Ali Aghazadeh, Hossein Mohammadi, Saied Karimi iyo Mohammad Amiin Samadi, iyadoo aan Warbaahinta lala wadaagin darajooyinkooda.

Wakaaladda Wararka Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in weerarka uu ka dhacay xaafadda Mazzeh, isla-markaana uu ahaa weerar kale oo gardaro ah oo ka yimid Israel.

Telefishinka afka Dowladda Iran ku hadla ee Press TV ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso oo ay gaysatay Israel, inkastoo aysan weli ka hadlin Tel Aviv, haddana Israel ayaa muddooyinkii ugu dambeysay kordhisay bartilmaameedyadeeda ka dhanka ah saraakiisha dalka Iran ee ka hawlgala dalkaasi Suuriya.

Telefishinka ayaa baahiyay in dhowr gantaal oo weerarka loo adeegsaday ay gebi ahaanba burburiyeen dhisme ka koobnaa afar dabaq, hase yeeshee Wakaaladda Wararka Suuriya oo soo xiganeysa saraakiil militari ayaa sheegtay in gantaalada qaar lagu guuleystay in laga hortaggo.

Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedku uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran, kaas iyo kaaliyeyaashiisa oo ku sugnaa dhismaha la beegsaday.

Duqayntan ugu dambeysay ee maanta ka dhacday dalka Suuriya ayaa dabka ku sii shideysa baqdinta laga qabo kororka colaadda Gaza iyo inay ku fiddo Gobolka Bariga Dhexe.

Tan iyo markii ay colaadda dib uga soo dhex cusboonaatay Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel ayaa tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay Gaza ay gaartay 24,900 oo qof, sida ay Sabtidan shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc