Home Dhacdooyin Iran oo sheegtay inay burburisay xarun uu Sirdoonka Israel ku lahaa Ciraaq (SAWIRRO)

Iran oo sheegtay inay burburisay xarun uu Sirdoonka Israel ku lahaa Ciraaq (SAWIRRO)

by Laacib

Taliska Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay inay burburiyeen xarun basaas oo Hay’adda Sirdoonka Israel ee Mossad ay ku laheyd waqooyiga dalka Ciraaq.

Warbaahinta afka Dowladda Iran ku hadasha ayaa goor dambe oo xalay ahayd baahisay in Ilaalada Kacaanka ay bartilmaameedsadeen xaruntan oo ku taala Gobolka Kurdistan.

“Iyadoo laga jawaabayo tacaddiyadii ugu dambeeyay ee Maamulka Sahyuuniyadda ee sababay dilka Taliyeyaasha Ilaalada iyo dhidibka iska caabinta, mid ka mid ah xarumaha ugu weyn ee Sirdoonka Mossad ee Gobolka Kurdistan ee Ciraaq ayaa lagu burburiyay gantaalada balaastikada ah.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Taliska Ilaalada.

Iran ayaa wacad ku martay inay u aargudi doonto saddex ka mid ah Saraakiisha Ilaalada oo bishii December lagu dilay dalka Suuriya, oo uu ku jiro taliye sare oo lagu magacaabi jiray General Sayyed Razi Mousavi.

Jananka ayaa lagu dilay duqayn xagga cirka ah oo 25-kii bishaasi ka dhacday duleedka Caasimadda Damascus, sida uu baahiyay telefishinka afka Dowladda Iran ku hadla ee Press TV.

“Waxaan u xaqiijinaynaa qarankeenna in hawlgalada Ilaalada ay sii socon doonaan, illaa laga soo aargudanayo dhibcihii ugu dambeeyay ee dhiigga shuhadada.” Ayaa lagu yiri bayaanka Taliska Ilaalada.

Duqaynta ayaa ka dhacday meel waqooyi bari kaga beegan Xarunta Gobolka Kurdistan ee Erbil, waana meel ku dhow Qunsuliyadda Mareykanka.

Inta la xaqiijiyay afar qof ayaa ku dhintay, lix kalena way ku dhaawacantay duqaynta culus ee Iran ka gaysatay dalkaasi Ciraaq.

Golaha Ammaanka ee Kurdistan ayaa war ay soo saareen ku cambaareeyay weerarkaasi, iyagoona weerarka ku tilmaamay mid dembi ah.

Taliska Ilaalada Kacaanka ayaa dhanka kale sheegay in weerar kale oo loo adeegsaday tiro gantaalada balaastikada ah ay ku weerareen gudaha Suuriya, ayna ku burburiyeen kuwii ka dambeeyay sida ay sheegeen weeraradii argagixiso ee dhawaan ka dhacay Iran.

Taliska ayaa sheegay in gantalaadaasi lagu beegsaday Ururka Daacish ee isugu yeeray Dowladda Khilaafada Islaamka, oo iyagu sheegtay masuuliyadda qaraxyadii mataanaha ahaa ee 3-dii bishan ka dhacay Magaalada Kerman. Labadaasi qarax ayaa waxaa ku dhintay 84 qof oo Iraaniyiin ahaa.

Duqaymaha ay Iran ka fulisay dalalka Ciraaq iyo Suuriya ayaa imaanaysa, xilli ay sii kordheyso baqdinta laga qabo kororka colaadda Gaza iyo inay ku fiddo Gobolka Bariga Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc