Home Wararka Caalamka Iran oo u hanjabtay Israel, ka dib dilkii General Sayyed Razi Mousavi

Iran oo u hanjabtay Israel, ka dib dilkii General Sayyed Razi Mousavi

by Laacib

Dowladda Iran ayaa ka carootay weerar xagga cirka oo shalay galab ay Israel ku dishay la taliye sare, oo ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Kacaanka ee Iran.

General Sayyed Razi Mousavi ayaa lagu dilay duqayn ka dhacday meel ka baxsan Magaalada Damascus ee dalkaasi Suuriya, sida ay sheegtay Warbaahinta Iran.

“Mousavi waxaa lagu dilay weerar ay Maamulka Sahyuuniyadda ka gaysteen Degmada Saynabiyah (Sayyada Saynab) ee duleedka Caasimadda Damascus.” Ayaa lagu yiri war ka baxay telefishinka afka Dowladda Iran ku hadla ee Press TV.

Sarkaalkan ayaa qaabilsanaa iskudubaridka isbahaysiga militari ee u dhaxeeya Iran iyo Suuriya, waana qayb muhiim oo ka mid ah shabakadaha gobolka ee Iran taageerto ee loo yaqaano (dhidibka iska caabinta).

Wakaaladda Wararka Iran ee IRNA ayaa sheegtay in Sarkaalkan uu la socday Taliyihii Ciidanka Qudus ee Ilaalada Kacaanka Iran, General Qasem Soleimani, kaas oo lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ka fuliyeen dalka Ciraaq, sanadkii 2020-kii.

Dhanka kale Madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi ayaa sheegay in Israel ay qaadi doonto wixii cawaaqib ah ee dhasha dilka ay u gaysatay ninka janaraalka ah.

“Waa hubaal in Israel ay bixin doonto qiimaha dilka janaraalka sare. Shaki la’aan tallaabadani waa calaamad kale, oo ah niyad-jab, gargaar la’aan iyo awood la’aanta Maamulka Sahyuuniyadda.” Ayuu yiri Madaxweynaha Iran oo warkan ku sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.

War ka soo baxay Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Iran ay ka aargudan doonto falka ay Israel ku qaarajisay jananka.

Wakaaladda Wararka Tasnim ee laga leeyahay dalka Iran ayaa sheegtay in General Mousavi uu ahaa mid ka mid ah la taliyeyaashii ugu da’da weynaa ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka ee Iran ee ka hawlgala dalka Suuriya, isla-markaana uu ka mid ahaa saaxiibada dhow ee Taliyihii Militariga ee la dilay waa General Qasem Soleimani.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc